Xildhibaan Ilhaan Cumar oo Islaam naceyb kala kulantay taksiile Mareykan ah

Xildhibaan Ilhaan Cumar. [Sawirka: MPR News]
Xildhibaan Ilhaan Cumar. [Sawirka: MPR News]
Washington-(Puntland Mirror) Gabadhii ugu horeysay ee Soomaali Mareykan ah oo xildhibaan ka noqota gudaha Mareykanka ayaa sheegtay in ay la kulantay khatar naceyb Muslim ah oo uu kula kacay darawal taksiile ah gudaha magaalada Washington DC.

Wakiilka Minnesota ee la doortay ilhaan Cumar ayaa sheegtay in darawalka uu ugu hanjabay in uu ka saari doono xijaabka intii ay murmayeen iyada iyo isagu.

34-jirta Soomaalida ah ayaa sheegtay in falkaas uu dhacay maalintii Talaadada wax yar kadib markii ay Aqalka Cad kaga qeybgashay tababar siyaasadeed.

Ilhaan Cumar, oo katirsan xisbiga Dimuqraadiga, ayaa Mareykanka timid iyada oo ilmo ah oo ka tagtay xero qaxooti oo kutaala gudaha dalka Kenya.

Waxay samaysay taariikh iyada oo qabsatay ciwaanada warbaahinta Caalamka bishii lasoo dhaafay kadib markii ay ka guuleysatay haweenay Jamhuuri ahayd oo muddo 40-sanno ku dhow xildhibaan ka ahayd gobolka Minnesota.

“Anoo kusii jeeda huteelkayaga, waxaan helay taksi waxaana taksiilihii kala kulmay neceyb xun iyo Islaam naceyb,” ayay ku tiri boggeeda Facebook.

“Taksiiluhu wuxuu iigu yeeray ISIS wuxuuna iigu hanjabay inuu xijaabka iga saarayo, runtii ma aqoon sida ay xaaladu noqonayso anoo isku dayay in aan ka cararo tagsiga,” ayay tiri Ilhaan Cumar.

“Wali waxaan ka naxsanahay falkaas.” Ayay ku dartay.

Doorashadeeda ayaa timid maalmo kadib markii Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump uu ku eedeeyay qaxootiga Soomaaliyeed ee Minnesota in ay faafinayaan “caqiido xagjirnimo ah”.

Minnesota ayaa ah gobolka ugu weyn ee ay kunoolyihiin bulshada Soomaaliyeed, ku dhawaad 50,000 Soomaali ah ayaa kunool halkaas.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*