Wasaaradda Maaliyada Puntland oo lacag been abuur ah ku gubtay Boosaaso

Lacagta la gubay ayaa ahayd 600,500,000. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah magaalada Boosaaso ku gubtay lacag Shillin Soomaali ah oo been abuur ah.

Lacagta ayaa tiradeeda saraakiisha Wasaaradda ku sheegeen 600,500,000 (lix malyan iyo shan boqol oo kun).

Lacagta ayaa waxaa qabtay laamaha ammaanka gobolka Bari iyadoo la doonayay in la gasho gudaha magaalada Boosaaso, ee xarunta ganacsiga Puntland.

Puntland ayaa horey uga digtay lacagaha been abuurka ah in ay soo galaan gudaha Puntland kuwaasoo suuqyada ku keeni kara sicir barar.

Bilihii lasoo dhaafay, gobolada Puntland ayaa waxaa saameeyay sicir barar ka dhashay diidmada lacagta cooshka ah ee Shillin Soomaaliga balse xaalada ayaa u muuqata mid soo hagaagaysa hadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*