Iran oo cambaareysay badmaax dalkeeda u dhashay oo ay dileen ciidanka badda Puntland

Sawirka: Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada Iran Bahram Qassemi.

Tehran-(Puntland Mirror) Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada Iran Bahram Qassemi ayaa cambaareeyay rasaas lagu furay dooni kalluumaysi oo Iran lahayd iyo dilka kabtankii doonida iyadoo sidoo kale hal badmaax oo kale uu ku dhaawacmay.

“Iran waxay cabshadeeda u dirtay Soomaaliya,” Bahram Qassemi ayaa yiri sidaa.

Waxa uu intaas ku daray in Wasaaradda Arrimaha Dibada si dhab ah ay dabagal ugu sameyn doonto arrinta.

Horaantii asbuucaan, saraakiisha ciidanka badda Puntland ayaa sheegay in ay rasaas ku fureen dooni maraysay Badda Hindiya kadib markii ay diideen amarka ciidanka ayna isku dayeen in ay baxsadaan.

Sida ay sheegeen saraakiisha, 16 kale oo badmaax ayaa ciidanku ay qabteen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*