Xaaluf , godad dhaadheer iyo boholo ka sameysmay meel u dhow magaalada Garoowe. [Sawirka: Puntland Mirror]
Muddo dheer lagama joogo markii Jilab, Laan-Khadiijo, labada tog iyo dhulka kale oo ku hareeraysan magaalada Garoowe – si kastaba kulayl iyo qalayl ha u ahaadeene – ay ahaayeen dhul caws qurux badan leh iyo dooxooyin, isku bedela cagaar qurux badan marka ay da’do dhibicda ugu horeysa ee xilli roobaadka. Marka loo safro hal mayl jiho walba oo Garoowe ah, qofku wuxuu ku arki karey dhulka inta ay ishu qaban karto, oo uu ku  raaxeysan karey muuqaalka dhulka balaaran ee leh dhirta dabiiciga ah ee kala jaadka ah sida quraca, qalaanqasha, boocda, jeexyada yar iyo noocyada kale ee naqa ah. Maanta dhirtaas dabiiciga ah waa ay dhamaadeen, ciidiina caro-guur baa ku dhacay, waxaaana dooxooyinkii iyo dhulkii cawska lahaa ka haray dhul qalalan, lama-degaan aad u daran, boholo waaweyn iyo xabaalo.

Maanta dhulkaasi waa mid indhaha u daran, dhul aan dhir ka bixin, masaafo iyo masaafo aan ka soo rayn lahayn oo ah lama-degaan boor ka kacayo oo wasakhaysan.

Xaaluf , godad dhaadheer iyo boholo ka sameysmay meel u dhow magaalada Garoowe. [Sawirka: Puntland Mirror]

Meel walba oo aad ka tagto gudaha Puntland uma dulqaadan kartid muuqaalka foosha xun ee qashinka, badweyn qashin ah, oo dhibaato ku haysa bad iyo berri-ba marka laga bilaabo xeebaha Boosaaso ee saaran Gacanka Cadan ilaa dhulka baadiyaha ah ee Galbeedka Gaalkacyo.

Waxaan kormeernay meelo kale oo nabaad-guur iyo qashin la mid ah kuwaas oo ay qabsadeen oo ku yaala gudaha iyo hareeraha magaalooyinka waaweyn ee Puntland. Waxaa la saadaaliyey in kororka tirada dadka, magaaleynta degdega ah iyo balaarashada magaalooyinka iyo tuulooyinka ay keeni doonaan in qashinka adag iyo midka dareeraha ah ay sii siyaadaan.

Dhawaan, warbixin ay soo saartay Hay’ada Caafimaadka Adduunka ee WHO, oo loogu magac daray “ka hortagga cudurada oo loo marayo deegaan caafimaad qaba”, soona baxay March 2015, ayaa waxaa lagu soo gunaanaday in “magaaleynta (dhisida magaalooyinka) dedega ah, aan qorshaysnayn oona aan isku filnaan karin ay ka dhigi doonaan magaalooyinka waaweyn meelaha salka u ah khataraha caafimaad iyo deegaan ee soo ifbaxaya. WHO waxay u aanaynaysaa sare-u-kaca cudurada aan la kala qaadin sida cudurada ku dhaca neefmareenka, istarooga, cudurada wadnaha, kansarka iyo sonkorowga in ay keenaan saxo-xumadda iyo khataraha ka yimaada deegaanka sida diqowga hawada iyo kiimikaalka. Waxaa la wada ogyahay in qashinka iyo diqowga hawadu ay dhalaan cudurka, cudurkuna uu keeno dhimasho.

Caruur ku dhex lugeynaysa gudaafad kutaala duleedka magaalada Garoowe. [Sawirka: Puntland Mirror]

Akhristayaashayadu waxay isweydiin doonaan “Maxaa keenay dhibaatooyinkan deegaan ee waaweyn? Yaa eeddeeda leh? Sababaha keenay hoos-u-dhacan deegaan ee waxyeelada leh waa badan yihiin, laakiin waxaa boqolkiiba sagaashan loo nisbayn karaa afarta qodob ee soo socda;

1. Burbur ku yimid dhirtii dabiiciga ahayd 

Olyo baabuur laga isticmaalay oo lagu daadshay duleedka magaalada Garoowe. [Sawirka: Puntland Mirror]

Dhibaatadan ku dhacday deegaanka – caroguurka, nabaadguurka iyo samaysanka boholaha – ayaa waxaa sababay falalka (ficilada) dadka ee fowdada iyo sharci-darrada ah, falalkaas oo ay ka mid yihiih dhulkii oo six xun loo isticmaalay, jarida dhirta xaabada loo isticmaalo, qashinka iyo diqowga (ciida, biyaha iyo hawada). Abaaraha, daaqada xad dhaafka ah iyo isbedelka cimilada adduunka ayaa qayb ka ah burburinta deegaanka. Dhibaatooyinkan xad-dhaafka ah ee aan kala go’a lahayn ee waxyeelada ku ah deegaanku waxay baabi’isay nolosha dhirta iyo daaqada iyo hoyga xoolaha, taasoo sababtay in ay yaraado baadkii iyo daaqii xoolaha ayna khatari soo wajahdo xayawaankeena – dab joog iyo duur joogba sida riyaha, idaha, geela iyo lo’ada. Saameynta isbiirsatay ee falalkaan sharci daradda ah ee dadka waxay u bedeli doonaan hoos-u-dhaca deegaanka aafo joogto ah oo aan dib laga soo kaban karin.  

2. Dhibaatooyinka Qashin-qubka aan la Kontorooleyn iyo Kiimikaada aan Baaba’ayn ee Magaalooyinka Waaweyn ee Puntland, Somalia.

Qashin-qubku (kuddaafadaha) waa khatarta keliya ee ugu weyn khataraha deegaan ee ka jirta Puntland. Tusaale ahaan, inta badan xeebta magaalada Boosaaso waxaa buux dhaafshey qashin halka magaalada Garoowe jiho walba uu qashin ka hareereeyay: dhallooyin caag ah, baco balaastik ah iyo duubyo caag ah, daasado bir ka samaysan, haraadiga xoolaha (lafo), dhar iyo kabo duugoobay, daasado maran oo laga isticmaalay sunta cayayaanka iyo kiimiko khatar badan, togag dareere ah oo wasakhda meheradaha ganacsiga ah iyo olyada laga isticmaalay baabuurta oo dhulka daadsan. Laakiin qashinka ma aha in la eedeeyo, balse dadka ayaa eeda leh, oo iyaga ayaa qashinka meel kasta ku quba, iskana ururin waayey, iskana fogeyn waayey.

Bad qashin qub ah oo kutaala duleedka magaalada Garoowe. [Sawirka: Puntland Mirror]

Bacaha baalastikada (caag) ka samaysan iyo dhallooyinka ayaa konton (50) boqolkiiba ah culayska qashinka. Sannadkii 2012-ka, Puntland ayaa waxay mamnuucday bacaha baalastikada ka samaysan ee meelkasta yaal, balse sharcigaas si buuxda looma dhaqangelin. Noocyadan bacaha ah ayaa inta badan loo adeegsadaa in lagu duubto laguna qaato Qaadka iyo in lagu qaato adeegyada guryaha sida raashinka.

Bacaha baalastikada ka samaysan ayay fududahay in dabayshu ay qaado ayna geyso masaafo fog oo deegaanada baadiyaha ah.

Bac balaastik ah oo dul heehaabaysa duleedka magaalada Garoowe. [Sawirka: Puntland Mirror]

Waa iska caadi in aad aragtid baco duugoobay oo ka babanaya geedaha dushooda iyo baadiyaha, kuna dhegsan ciida dhoobada ah ee togoga biyaha ama dul sabaynaya ceelasha biyaha.

Baco balaastik ah oo ku xaniban geed kuyaala duleedka magaalada Garoowe. [Sawirka: Puntland Mirror]

Caagadaha iyo Dhallooyinka baalastikada ka samaysan ayaa lagu keenaa biyaha macdanta leh, biyaha macaan, cabitaanada casiirka, shaanbooyinka iyo saliida ama si loogu keysado waxyaabaha laga soo saaaro dalka gudihiisa. Caagadahan iyo balaastikadan ayaa si khayr-mas’uulnimo ah loogu tuuraa meel kasta waxaana aakhirka ka samaysma duleedka magaalooyinka kuddaafado (qashin-qub) aan qorshaysnayn, kantarool lahayn, khatarna leh.  

Caagdaha balaastikaha oo lagu daadshay duleedka magaalada Garoowe. [Sawirka: Puntland Mirror]

Tan ugu xun ee sheekadan murugada leh waa xaqiiqda in caagaduhu iyo bacaha balaastikadu ay jiri karaan kumanaan sanno oo aysan burburayn, waxyeelo xun iyo khatar caafimaad iyo mid bay’ada ahna ku keenaan dadka, xoolaha iyo dhirta.

Riyo cunaya qashin yaala duleedka magaalada Garoowe. [Sawirka: Puntland Mirror]

Waxay qalajiyaan geedaha ka dib markii ay ka joojiyaan neefta, macdanta iyo nafaqada. Caagadaha iyo bacuhu waxaa ku mergada xoolaha marka ay cunaan waxayna baabi’iyaan quruxda dhulka. Khatarahaas waxaa la mid ah sida xun ee loo rakibay tiirarka iyo fiilooyinka korontada ee dul heehaabaya waddooyinka ku yaala magaalooyinka iyo tuulooyinka Puntland.

Fiilooyinka korontada oo dul heehaabaya waddooyinka magaalada Garoowe. [Sawirka: Puntland Mirror]

3.Tayo-xumada Wasaarada Deegaanka iyo La’aanta Hogaan Karti iyo Mas’uuliyad leh.

Xarunta Wasaaradda Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland ee magaalada Garoowe. [Xigashada Sawirka: Puntlandi]

Wasaaradda Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland waxaa la aas’aasay bishii Febaraayo sanadkii 2009-kii, waxayna sheegtaa in mas’uuliyadeedu tahay sidii wax looga qaban lahaa gacana looga geysan lahaa yareynta dhibbaatooyinka deegaanka (bay’adda) ee ka jira gudaha Puntland oo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka dhul daaqsimeedka, xaalufka, nadaafad darada iyo maareynta wasakhda. Sideed sanno oo ay jirto, Wasaaraddu waa ay ku guuldareysatay in ay dejiso sharciyadii iyo xeerarkii lagu hagi lahaa hawlahaas wax yar mooyaane.

Warsidaha Puntland Mirror ayaa helay warar lagu kalsoonaan karo oo sharaxaya in labaddii sanno ee la soo dhaafay aysan jirin siyaasado muhiim ah, qawaaniin iyo istiraatiijiyada waxqabad wasaaradeedka oo ay Wasaaradu dhammeystirtay. Sidoo kale Wasaaraddu umaba qorna sharciyada iyo istiraatiijiyada siyaasaddihii u sahli lahaa in ay fuliso waajibaadkeeda ku aadan meelo badan oo loo igmaday. Waxaa lagu eedeeyay in Wasaaraddu ay noqotay mid ku mashquulsan abaabulka iyo ka qaybgalka kulamada iyo shirarka ka dhaca Garoowe iyo Nairobi iyagoo eeganaya sidii ay u heli lahaayeen gunnooyinka iyo lacagta maalin laha ah.

Wasaaraddu gacanta kuma hayso wax barnaamijyo istaraatiijiyadeed ah oo la taaban karo oo macno leh iyo mashaariic si wax looga qabto arrimaha salka u ah dhibaatooyinka deegaanka sida carro-guurka (ciida la guro) loo laga qado buuraha iyo togaga si guryaha loogu dhiso, kuddaafadaha, dhul-daaqsimeedyada la xirmaysto iyo caagadaha iyo balaastikada.

Ciid iyo quruurux ka qodida buuraha u dhow magaalada Garoowe taasoo ciida nabaadguur ku keenaysa. [Sawirka: Puntland Mirror]

Waxaa degdeg loogu baahanyahay in la meelmariyo xeerarka sharciyaynta hawlaha soo socda:

  • Xakamaynta ciida, dhagaxaanta iyo quruuruxa laga soo gurayo deegaano daaqsimeedka, buuraha iyo togaga biyaha si loogu isticmaalo guryo dhisida ka jira magaalooyinka
  • Maareynta wasakhda adag iyo mida dareeraha ah (uruurinta iyo maareynta qashinka, meelaha qashinka lagu keydsho, dib u warshadaynta iwm)
  • Shuruucda ku saabsan maareeynta dhul-daaqsimeedka iyadoo diirada la saarayo meelaha daaqa, dhul beereedyada cagaaran, dhulka boorka ah, il-biyoodyada (dhulka xoola-dhaqatada iyo beeraha, iwm)
  • Kantaroolida soo dejinta iyo isticmaalka kiimikada iyo walxaha khatarta badan ku ah caafimaadka dadka iyo duunyada.
  • Xasilinta iyo daboolida boholaha iyo soo celinta dhulka kuddaafada noqday
  • Siyaasadaha tamarta dib loo cusboonaysiiyo (qoraxda) iyo tan shidaalka.
  • Qorshaynta magaalooyinka (naqshada iyo qorshaynta dhulka magaalada iwm)
  • Wacyigelinta iyo Waxabarashada deegaanka (Bay’adda).

Puntland Mirror ayaa arkay dukumentiyo muujinaya in Wasaaraddu ay si weyn ugu tiirsan tahay caawimaad ajnabi ayna heshay mashaariic balaaran oo ay ka heshay Midowga Yurub iyo deeq bixiyeyaal caalami ah. Waa ay ku fashilantay in ay si waxtar leh ugu isticmaasho mashaariicdaas si ay awoodeeda iyo aqoonteeda kor ugu qaado ayna u raadiso fursado si loo abuuro mashaariic u keeni kara isku filnaansho mustaqbalka ah. Marka mashaariicda hadda jirta ay dhammaadaan, Wasaaradda xaalada ayaa ku adkaan doonta, mana ay awoodi karto xitaa in ay bixiso mushahaarka shaqaalaheeda.

Mashaariicda wali aan la dhammeyn ee ay wado Wasaaraddu. [Sawirka: Puntland Mirror]

Iyadoo dhibaatadan joogtada ah ee deegaanka ay dhacayso oo indhaha lagu hayo, haddana magaca Wasaaradda kuma arkaysid bogaga hore ee warbaahinta iyadoo samaynaysa hal kiis oo daryeelka iyo difaaca deegaanka ah. Waxa keliya oo ay wararka Wasaarada ku soo baxaan marka ay abaabuleyso kulamo iyo siminaaro loogu talogalay in hadalo qurux badan laga jeediyo. Qof goobjooge ah ayaa ku fasiray, “Wasaaraddu waxay khabiir ku noqotay faanka, iyo iska dhiska beesha caalamka iyo dadweynaha”.

Inkastoo Puntland Mirror uu sii wadayo baaritaanka la xiriira eedaha waxqabad xumada Wasaarada, haddana waxaa jira xan tiro badan oo ku gadaaman waxtar xumada Wasaaradda, macmiiltanka mugdigu ku jiro iyo in Wasaarada habdhaqankeedu uusan cadayn.  Waxaa la sheegay in Wasaaraddu aysan si firfircoon ugu lug lahayn kormeerka iyo qiimaynta mashruuca NRM oo ay maalgelisay Midowga Yurub (EU) ee “Deegaanku Waa Noloshaada”. Tusaale ahaan; ilowareedkayaga ayaa xaqiijiyay in masuuliyiinta Wasaaradda ka socda aysan weligood  iyaga oo keliya ah oo madax banaan aysan booqan meelaha mashruucan muhiimka ahi ka socdo ee ku yaala gobolada Nugaal iyo Karkaar, oo aysana ku samayn wax baaritaan dhinaca faa’iidada uu mashruucu soo kordhiyey. Waxay intaas ku dareen in meelo aad u badan oo carro guurka ku dhacay ayna ka samaysmeen boholo qorshuhu ahaa in la daboolo (aaso) aan la daboolin lana taaban meelahaas oo ku yaala deegaano ka mid ah gobolada Nugaal iyo Karkaar. Miyaysan tani ka dhignayn in la dayacay xilgudashadii amase ay jirto xilgelin la’aan mas’uuliyadii Wasaarada loo igmaday?

Dadka Puntland ayaa aad uga welwelsan hoos u dhaca tayada biyaha, ciida iyo hawada dhulkooda.  Waxaa jirta xanaaq iyo eedo sii kordhaya oo ka dhan ah Wasaaradda markii la arki waayey wax faa’iido ah oo ay keeneen mashaariicda deegaanka oo lagu maalgeliyey lacagta laga soo qaado canshuur bixiyeyaasha Midowga Yurub. Afarta tusaale ee soo socda waxay kuu iftiimin doonaan hab-hawlfulinta qaloocan ee Wasaaradda oo ku heeran kulamada, shirarka, iyo boorarka kuwaasoo yaab iyo indha taag kugu ridi doona.

1. Wasaaradda ayaa guddi gaar ah u saartay diyaarinta nuqulka qorshaha istiraatiijiyada horumarinta deegaanka Puntland ee shanta sanno 2017-ka ilaa 2022-ka. Diyaarinta nuqulka ayaa la sameeyay iyadoo aan lala kulmin wax la-tashi ahna lala yeelan daneeyayaasha iyo bulshooyinka maxaliga ah, oo aana wax qiimeyn buuxda lagu samayn dhibaatooyinka iyo khatarta ku aadan deegaanka ee ka jira gobolada kala duwan ee Puntland. Waxaa taas ka sii daran in dukumentigaas lagu qoray luqada Ingiriiska oo haddana lagu soo bandhigay oo keli ah kulan ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya bartamihii Maarso ee 2017-ka. Dadka Puntland waxba kalama socdaan qorshayaashaas, waxaana la isweydiiyey, “dukumentigaas ma waxaa loola jeedo in dhaqaale lagu yaboohsado, oo lacag lagaga raadsado European Union?”

Qorshaha istiraatiijiyada horumarinta deegaanka Puntland ee shanta sanno 2017-ka ilaa 2022-ka oo lagu soo bandhigay shirk a dhacay magaalada Nairobi. [Xigashada Sawirka: Website rasmiga ah ee MOEWT]

2. Wasaaradda ayaa abaabushey shirkii labaad ee Deegaanka Qaranka oo 8-dii iyo 9-kii bisha April 2017 ka dhacay gudaha Garoowe si looga wada xaajoodo arrimaha deegaanka ee Puntland.

Shir-weynaha Deegaanka Qaranka oo ay soo qabanqaabisay MOEWT oo lagu qabtay magaalada Garoowe. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]

Wasaaradda ayaan daacad ka ahayn ujeedada iyo kasoo qaybgalayaasha shirka. Mid ka mid ah ka qaybgalayaashii oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa yiri, “Runtii waxaan aad uga carooday in aan akhriyo waxa uu ka koobnaa bayaankii shirkii 9-ka April. Waxay ahayd khiyaano in masuuliyiinta Wasaaraddu ay baahiyaan in shirku najaxay xitaa waxa ay buunbuuniyeen tirada dadka muhiinka ah ee ka soo qaybgalay shirka. Qodobada bayaanka kuma aysan soo bandhigin wax xal u ah dhibaatooyinka deegaanka ee ina haysta kuma jirin waxqabad sax ah si loo ilaaliyo oo dib loogu soo celiyo deegaanka. Shirka kama aysan qaybgelin dadka deegaanka u dhaqdhaqaaqa, khuburada, iyo guddoomiyaasha sagaalka gobol ee Puntland.” Waxa uu intaas ku daray “Waxaa ceeb ku ah shirka inuusan jirin wada xaajood dhab ah oo ku aadan dhibaatooyinka deegaanka ee ina soo wajahay, iyo iyada oo ay meesha ka maqnayd talooyinkii laga heli lahaa dadka caanka ah ee deegaanka u dhaqdhaqaaqa, saynisyahanada iyo aqoonyahanada, wakiilada ka socday Wasaaraddaha bahwadaagta ah iyo daneeyaasha kale.

3. Wasaaradda ayaa abaabushay kulan kale oo dhaqaale uruurin ah oo dhacay 10-kii April ee 2017-ka oo ay la yeelatay la-hawlgalayaasha caalamiga ah si ay uga wada hadlaan isuguna afgartaan bayaankii shir-weynihii labaad ee deegaanka ee Puntland. Inta kulanku uu socday, Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaradiisu ay sameysay tilaabooyin waaweyn oo ah ilaalinta deegaanka isaga oo aan soo bandhigin hal tusaale oo cadayn ah. Qodobka ugu xiisaha badnaa ee kulanka waxa uu ahaa iclaaminta Wasiirka ee in ay kordhinayaan kormeerida iyo qiimaynta mashaariicda deegaanka iyo in mashaariicda oo aan sidii loo qorsheeyay loo fulin aan loo dulqaadan doonin. Dad badan ayaa u arkay hadalkan in uu yahay “in Wasiirku aqbalay ogyahayna in ay ku fashilmeen waajibkii ka saarna kormeerka iyo qiimeynta.”

Wasiirka Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland Cali Cabdulaahi Warsame oo la hadlayay warbaahinta maxaliga ah intuu lagu guda jiray kulankii dhaqaale uruurinta ahaa. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]

4. Waxaa meesha ka maqan waxbarashada iyo wacyigelinta deegaanka oo booskoodii la geshay boorar biro ah iyo calaamado lagu muujiyay luuqada Ingiriisiga lagana taagay tuulooyin ay dadkooda intiisa badan aysan waxba akhrin. Maahan oo keliya tani in ay noqoneyso in dhaqaalihii lagu takri falay oo la khasaariyey, balse sidoo kale waxay muujinaysaa dhug la’aan iyo ixtiraan la’aan loo geystey garashada iyo caqliga bulshada ku nool deegaanadaas.

Boor bir ka sameysan oo jabay oo yaala tuulo u dhow magaalada Garoowe, waxaa boorkan sameeyay haayada Care International. [Sawirka: Puntland Mirror]

4. Isdhigasho, Isla-xisaabtan la’aan iyo Musuqmaasuq

Sida dhabta ah waa ay cadahay in dowladda Puntland Wasaaradaheeda iyo mas’uuliyiinteeda sare aysan ka welwelsanayn khatarta degdega ah ee dhibaatadan aadka u daran ee caafimaad oo ka dhalanaysa nabaadguurka, fayodhowr la’aanta iyo duullaanka qashinka. Kulligood waxay ku shaqeeyaan dhismayaasha Wasaaradaha ee nadiifka ah waxayna degan yihiin fiilooyin raaxo leh oo ku dhex yaala gudaha magaalada Garoowe. Hoggaan iyo haggis la’aan, sharci iyo howlfulin la’aan, masuuliyad darro bulshadeed iyo la’aanta waxbarashada madaniga iyo deegaanka ayaa sii xoojisey ceebtan aan dhammaadka lahayn ee ficilada bini’aadamka.

Puntland kama ay jiraan lamana meel marin sharciyada lagula dagaalamo musuqmaasuqa. Hay’ada Maamul Wanaaga iyo La Dagaalanka Musuqmaasuqa Puntland (PGGACB) ayaa la aas’aasay sanadkii 2015-kii balse hay’adu sharci awoodeed uma leh in ay baarto ayna sharciga geyso cida looga shakiyo musuqmaasuq.

Xarunta Hay’ada Maamul Wanaaga iyo La Dagaalanka Musuqmaasuqa Puntland (PGGACB) ee magaalada Garoowe. [Xigashada Sawirka: Horseed Media]

Ma jirto mas’uul Puntland ka tirsan oo abid loo qabtay eedaynta ah in uu ku fashilmay waajibaadkiisii, mana jirto wax kiis dambiyadeed ah oo ka dhan ah mas’uuliyiinta dowladda oo lagu eedeeyay lunsiga lacagta dadweynaha ee Puntland. Sidaas darteed wax walba oo dhaca, sida hay’adaha kale ee Puntland, ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda Deegaanku aysan marna ka welwelin qabin in wax raad reeb ah kaga yimaado waxqabad la’aantooda.

Mid ka mid ah khuburadda ayaa soo jeediyay in hay’adaha dowladda Puntland dhammaantood ay u baahan yihiin in ay iska tuuraan heeryada musuqmaasuqa loo jeedo, wanaajiyaana muqaalkooda oo ay la yimaadaan furfurnaan, isla xisaabtan iyo hufnaan gaar ahaan hanaanka qandaraasyada qaranka iyo fulinta mashaariicda iyo adeegyada. Hay’ada Maamul Wanaaga iyo La Dagaalanka Musuqmaasuqa Puntland waa in awood loo siiyaa si ay u baarto kiisaska musuqmaasuqa iyo xirfad xumada oo ay dambiilayaasha geyso cadaalada.

Puntland Mirror waxa uu ka codsanayaa dowladda Puntland in la meel mariyo xeerka la dagaalanka musuqmaasuqa lana sameeyo nidaamka isla xisaabtanka iyo hufnaanta oo Wasaaraddaha ugu musuqmaasuqa badan la magacaabi karo lana ceebayn karo.

Puntland Mirror waxay jeclaan lahayd in ay akhristayaasheeda weydiiso in ay fikir ka dhiibtaan su’aalahaan:

  1. Maxaad dareemi lahayd haddii aad ku dhex shaqaynayso dhisme nadaafad fiican oo ay ku hareeraysan yihiin bad qashin ah?
  2. Maxaad u malaynaysaa in ay yihiin sababaha waaweyn ee keenaya in la kantarooli waayo kuddaafadaha ku dhexyaala magaalooyinkeena? Waxbarasho iyo wacyigelin la’aan, howlfulin la’aan, masuuliyad bulsho la’aan ama dayacaad masuuliyadeed ee Wasaaradda?
  3. Ma taageeri lahayd in la mamnuuco in aan ciida iyo quruuruxa laga qodan buuraha qaarkood iyo dhulka daaqsinka ah?
  4. Maxaad u malaynaysaa in hay’adaha dowladda Puntland ay ka sameeyaan bacaha iyo dhallooyinka balaastikada ah?
  5. Waa noocee tamarta wax lagu karsado oo ku habboon Puntland si loo dhowro deegaanka?

Share this story about sharing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll Up