Ugu yaraan sideed qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay magaalada Boosaaso

Qarax gaari oo hore uga dhacay Boosaaso. [Sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ugu yaraan sideed qof ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay banaanka maxkamada darajada kowaad ee Boosaaso maanta oo Sabti ah, sida ay sheegeen laamaha ammaanka iyo goobjoogayaal.

Qaraxa ayaa lagu xiray gaariga guddoomiyaha maxkamada darajada kowaad ee gobolka Bari, balse guddoomiyaha lama uusan socon gaariga, sida ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka ay u sheegeen bog wareedka Puntland.

Qof goobjooge ah ayaa Puntland Mirror u sheegay in uu arkay dhaawaca afar askari oo ilaalo ah iyo dad kale oo shacab ah.

“Waxaan ku sugnaa maxkamada gudaheeda markii qaadiyadu ay soo galeen albaabka ayaa qaraxu dhacay oo ahaa mid remote lagu kantaroolo, afar askari oo ilaalo ah ayaa ku dhaawacantay iyo dad kale oo shacab ah.” Sidaa waxaa yiri Cabdijaliil Siciid, oo ah qof goobjooge ah.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa loo qaaday isbitaalka Boosaaso, iyadoo dadka qaar kamid ah ay qabeen dhaawacyo halis ah.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse xagjiriinta Al-Shabaab iyo ISIS ayaa qaraxyo iyo weeraro horey uga geystay magaalada Boosaaso, oo ah xarunta ganacsiga Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*