Soomaaliya oo taageertay Sucuudi Caraabiya

Sawir: Khariidada Soomaaliya halka ay kaga taal qaarada Afrika.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taageertay Sucuudi Caraabiya kana soo horjeeda cid walba oo dhibaato ku ah danaheeda dhaqaale.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaarsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale.” Ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada maanta oo Isniin ah.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa laga maarmaanshaha in laga fogaado dhagar iyo olole ujeeddooyin kale leh oo lagu hagardaamaynayo Boqortooyada Sucuudi Carabiya”. Ayaa lagu sii sheegay bayaanka.

Go’aanka Soomaaliya ayaa imaanaya iyada oo wadamo badan oo Mareykanku kamidyahay ay sheegeen in Sucuudiga ay saari doonaan tilaabooyin cunoqabatayn ah haddii ay ku cadaato in Boqortooyada ay dishay wariye Jamaal Khashoggi, kaasoo la’la yahay muddo ka badan asbuuc kadib markii uu galay safaarada Scuudiga ee magaalada Istanbul ee Turkiga. Wariyaha oo u dhashay Sucuudiga heystayna deganaanshaha Mareykanka ayaa ahaa aad u dhaleecayn jiray siyaasadda Dhaxalsugaha Sucuudiga ee Maxamed Bin Salmaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*