Baarlamaanka DFS oo Shiikh Aadan Maxamed Nuur u doortay guddoomiye cusub

Guddoomiyaha cusub Shiikh Aadan Maxamed Nuur. [Isha Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay oo Khamiis ahayd Shiikh Aadan Maxamed Nuur oo loo yaqaan Aadan Madoobe u doortay guddoomiyahooda cusub.

Aadan Madoobe ayaa helay 163 cod halka musharixii la loolamayay Xasan Cabdinuur uu helay 89 cod wareegii labaad ee doorashada, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha kumeelgaarka ah Cabdisalaan Liibaan Dhabancad.

Aadan Madoobe oo ah siyaasi kasoo jeeda maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa horey u soo qabtay xilka guddoomiyaha baarlamaanka ee dowladdii kumeelgaarka ahayd.

Doorashada Soomaaliya ayaa dib u dhacday muddo ku dhow sanad kadib khilaaf ballaaran oo u dhaxeeyay masuuliyiinta sare sida Madaxweynaha iyo Raysulwasaaraha iyo maamul goboleedyada oo qeyb weyn ku leh hannaanka.

Waxyaabaha horyaala guddoomiyaha cusub ayaa waxa ugu horeeya doorashada madaxweynaha oo ay u tartamayaan musharixiin badan oo uu kamidyahay madaxweynaha hadda fadhiya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*