Ugu yaraan saddex qof oo ku dhimatay shil-gaari oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Boosaaso iyo Qardho

shil
Gaariga xamuulka waday ee ay gaariga kale ee raaxa isku-dhaceen. [Sawirka: Puntland Mirror]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ugu yaraan saddex qof oo uu ku jiro cunug yar ayaa ku dhimatay lix kalena waa ay ku dhaawacmeen shil-gaari oo ka dhacay wadada u dhaxaysa magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Shilka ayaa ka dhacay meel u dhow tuulada Sheerbi, waxaana shilka sababay kadib markii ay isku-dhaceen gaariga xamuulka qaada oo ay Soomaalida u taqaan (Waaraadka) iyo gaari yar oo kuwa raaxada ah oo ahaa Toyota Land cruiser Prado.

Dadkii ku dhaawacmay shilka ayaa loo qaaday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Karkaar si loogu daweeyo.

Shilalka gawaarida ayaa ah kuwa mar walba ka dhaca gudaha Puntland iyo Soomaaliya oo dhan waxaana u sabab ah wadooyinka oo xun iyo darawalada oo aan lahayn khibrad ku filan.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*