Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo dhaliilay shirka Kismaayo ee maamul goboleedyada

Sawirka: Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay.

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa dhaliilay shirka Kismaayo ee ay maamul goboleedyadu ku yeelan doonaan.

Cabdixakiim Cumar Camay oo warbaahinta kula hadlayay Garoowe maanta oo Talaado ah ayaa yiri: “Waxaan rabaa arrin kale runtii inaan xuso, shir baa wuxuu ka socda meesha la yiraahdo Kismaayo, la igu yiri Axmed Madoobe ku baaqay shirkaa. Ra’yi ahaan anigu waxaan arkaa ra’yigayga shirkaasi in aanu aheyn shir maslaxad u haya ummada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogtaba, waxaan ku tallin lahaa shirkaas in dib loo dhigo, waxaan ku tallin lahaa in lawada hadlo, waxaan ku tallin lahaa shakigan laga qabo Dowladda Federaalka ah in uu ka baxo meesha, oo wadahadal runtii looga saaro.”

“Waxaan u maleynaya marinka hada loo marayo ee la sheegayo, uu marin runtii aad u qaldan uu yahay ummada Soomaaliyeedna ayna jeclaysan doonin.” Ayuu ku daray.

Camay ayaa Madaxweynaha Soomaaliya kula taliyay in uu doorkiisa ka qaato oo uu maamul goboleedyada deegaanadooda ugu tago si loo dhammeeyo khilaafka.

“Madaxweyne Farmaajo waxaan kula tallin lahaa adaa Madaxweynihii ah, inaad Leadarship- role-kagii qaadatid, Madaxweyne kasta ama Dowladd kasta ama maamulkasta barta ay tahay aad ugu tagtid, wixii khilaaf ah ee jirana miiska lasoo saaro, waxaan lee ahay sida ugu haboon ee loo mari karaa inuu kaa noqon doono,” ayuu yiri Camay.

“Hadii wado kale la damco in la helo, waxaan u arkaa anigu waddo sax ah inaanay aheyn, Shirkana waxaan ku baaqi lahaa anigu dib ha loo dhigo, ha laga horeysiiyo in la isu yimaado.” Ayuu ku sii daray.

Dhawaan, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in uu magaalada Kismaayo ku qaban doono shir looga hadlayo khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*