18 kiis oo kufsi ah oo ka dhacay Puntland saddexdii bilood ee u dambeysay

18 kiis oo kufsi ah oo ka dhacay Puntland saddexdii bilood ee u dambeysay. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) 18 kiis oo kufsi ah ayaa ka dhacay gudaha Puntland intii lagu guda jiray saddexdii bilood ee lasoo dhaafay, sida uu warbaahinta u sheegay masuul katirsan Puntland.

Maxamed Xareed Faarax oo ah ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa shir jaraaid oo uu ku qabtay Garoowe ku sheegay in 18 kiis oo kufsi ah la diiwaangashay saddexdii bilood ee ugu horeysay sanadkan 2017, kuwaasoo ka dhacay gobolada Nugaal, Mudug, Karkaar iyo Bari.

Ku simaha xeer ilaaliyaha ayaa odayaasha dhaqanka ku eedeeyay in ay qariyaan kufsiyada gabdhaha loo geysto, ayna si hoose ku xaliyaan goboodfaladaas ka dhanka ah xuquuqul iinsaanka.

Sanadkii 2016-ka, baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyay xeerka kusfiga.

About Mohammed Omer Ahmed Mulla 20 Articles
Independent Researcher. Director and Chief Editor at Puntland Mirror. Focuses extensively on Security and Human Right Trends in Somalia, and the broader Horn of Africa Region.You can reach him on: Update.fkulan@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*