Ugu yaraan 45 qof oo ku dhimatay weerar isbiimayn ah oo ka dhacay dalka Yemen oo ay masuuliyadiisa sheegatay ISIS

Yemen
In ka badan 6,600 qof ayaa lagu dilay weeraro isbiimayn ah oo ka dhacay dalka Yemen tan iyo bishii Maarso ee sanadkii 2015. Sawirka: Reuters.

Cadan-(Puntland Mirror) Qarax isbiimayn ah oo lala beegsaday saldhig ciidamada lagu tababaro oo kuyaala magaalada labaad ee ugu weyn dalka Yemen ee Cadan ayaa lagu dilay ugu yaraan 45 qof, sida ay sheegeen ilo-wareed caafimaad.

Saraakiisha amaanka ayaa u sheegay wakaalada wararka AFP in qofka weerarka soo qaaday uu gaarigiisa oo qarax ka buuxo uu gudaha u gashay meel la isugu yimid oo ciidamo cusub lagu qorayay oo kutaala waqooyiga magaalada Cadan maanta oo Isniin ah.

Gelinkii dambe ee maanta ayaa masuuliyada weerarkaas, waxaa sheegatay kooxda ISIS ee ka dagaalanta Bariga Dhexe.

Dadkii ku dhaawacmay weerarka ayaa la geeyay saddex isbitaal, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Magaalo xeebeedka Cadan, ayaa waxay saldhig kumeel gaar ah u tahay dowlada Yemen oo ay wadamada Gacanka Carabta dabada ka riixayaan, magaalada ayaa waxaa ka dhacay weeraro qaraxyo ah iyo dilal lala bartilmaameedsanayo saraakiisha dowlada.

Kooxo kala duwan oo ay kamidyihiin Xuutiyiinta ay taageerto Iran, dowlada Yemen oo ay wadamada Gacanka Carabta dabada ka riixayaan iyo ururka Al-Qaacida ayaa ku dagaalamaya gudaha dalka Yemen afartii sanno ee u dambeeyay.

In ka badan 6,600 qof ayaa lagu dilay weeraro isbiimayn ah oo ka dhacay dalka Yemen tan iyo bishii Maarso ee sanadkii 2015.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*