Turkiga oo saldhigii milatari ee ugu horeeyay Afrika ka samaystay Soomaaliya

Ciidamada milatariga Turkiga. [Sawirka: Daily Sabah]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Turkiga ayaa dhameeyay qalabaynta saldhigiisii ugu horeeyay ee Afrika oo uu ka dhistay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Saldhiga ayaa martigelin doona saraakiisha Turkiga si ay u tababaraan askarta Soomaalida iyo ciidamada dagaalka kula jira ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab. Dhawaan ayaana shaqadu bilaabmi doontaa.

Saldhiga, oo ay ogolaatay Qaramada Midoobay, ayaa ah saldhiga labaad ee milatariga Turkiga ku leeyahay dibada. Saldhigooda kowaad ayaa laga sameeyay gudaha dalka Qatar bishii lasoo dhaafay ee April kaasoo qayb ka ah heshiis dhanka amaanka ah oo gacan looga geysanayo la dagaalanka khatarta labada dal.

saldhiga
Saldhiga ayaa kuyaala caasimada Soomaaliya, waxaana uu saaranyahay xeebta Badweynta Hindiya. [Sawirka: Daily Sabah]
Ku dhawaad 200 oo saraakiil milatari oo Turki ah ayaa la geyn doonaa saldhiga kuyaala gudaha Soomaaliya si ay marka kowaad u tababaraan 10,500 oo askar Soomaali ah.

Turkiga ayaa Soomaaliya siinayay taageero milatari shanti sanno ee u dambaysay, iyadoo labada dal ay wada-galeen heshiis iskaashi oo dhaqaale iyo mid milatariba ah.

Turkiga ayaa dalka kuyaala Geeska Afrika siiyay in ka badan 400 milyan oo dollar oo caawimaad ah iyadoo uu dalka la daalaa-dhacayay abaaro daran.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*