Madaxweynaha Puntland oo safarkiisii ugu horeeyay ku tagay Gaalkacyo tan iyo markii uu xafiiska qabtay

Madaxweyne Deni oo xariga ka jaraya xarunta madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Axad ah safar ku tagay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa duleedka magaalada ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka socotay maamulka gobolka Mudug, iyo kan degmada Gaalkacyo, nabadoono, iyo qeybaha kale ee bulshada.

“Runtii waan ku faraxsanahay inaan Gaalkacyo soo gaaro, waan uga mahadcelinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay soo dhoweyntayada, waxaan rajaynayaa mudada aan halkan joogno inaan kulamo qaadandoono, waxaanna iska waraysandoonnaa dalka horumarkiisa iyo mustaqbalkiisa.” Ayuu yiri madaxweynaha oo hadal kooban jeediyay markii uu gaaray halkaas.

Madaxweyne Deni ayaa xariga ka jaray xarunta cusub ee madaxtooyada Puntland ee magaalada Gaalkacyo, isaga oo ku aamanay madaxweynihii hore Cabdiweli Maxamed Cali hirgalinta xaruntaas.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan xarigga ka jarno qasriga Madaxtooyada Gaalkacayo, waxaan marka hore uga mahadcelinayaa Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo runtii aasaaskeedii iyo hirgelinteedii lahaa.” Ayuu yiri.

Waa markii ugu horeysay oo Deni uu safar ku tago magaalada Gaalkacyo tan iyo markii uu xafiiska qabtay bishii Janaayo ee sanadkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*