Turkiga oo furi doona saldhiga milatari ee ugu weyn oo kuyaala Soomaaliya

Sadhiga milatari ee Turkiga ee gudaha Muqdisho. [Sawirka: Twitter]
Saldhiga tababarka milatariga Turkiga ayaa bisha soo socota laga furi doonaa gudaha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sida uu sheegay wasiirka difaaca Soomaaliya shalay oo Khamiis ahayd.

Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa bayaan ku sheegay in saldhiga kaasoo labadii sanno lasoo dhaafay la dhisayay la furi doono September.

“Waxaanu bilownay in aanu ciidamo geyno saldhiga. Ciidamadeena iyo ciidamo kale ayaa tababar ku qaadan doona saldhiga,” ayuu yiri wasiirku.

Waxa uu intaas ku daray in saldhiga uu ciidamada Soomaaliya ka caawin doono awoodooda.

Saldhiga oo ah kan ugu weyn oo Turkigu ku leeyahay wadan ajnabi ah ayaa ku fadhiya baaxad dhan 4 km oo isku wareeg ah, waxaan uu awood u leeyahay in halkii marba lagu tababaro 1,500 ciidamo ah.

Sidoo kale waxa uu leeyahay saddex dhismo oo dhismo deegaan milatari ah iyo iskuulo.

In ka badan 200 ciidamo milatari Turki ah ayaa imaan doona saldhiga si ay u tababaraan ciidamada Soomaaliya ayna u ilaashaan ammaanka saldhiga, sida ay sheegtay safaaradda Turkiga ee gudaha Soomaaliya.

Turkiga ayaa safaaradiisa ugu weyn ka furtay gudaha Muqdisho sanadkii hore.

[button bg_color=”#6e6a6e”]Xigasho:[/button] Wakaalada Wararka Turkiga ee Anadolu, Turjumaad: Puntland Mirror.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*