Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la wareegtay ciidamada booliiska Puntland

Booliis ku sugan xerada tababarka booliiska Carmo, Puntland. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegtay ciidamada booliiska Puntland, sida ay ku warantay idaacada maxaliga ah ee Radio Daljir, oo soo xiganaysa saraakiil katirsan ciidamada.

Tirakoob ku saabsan ciidamada booliiska eek u sugan Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay waxay Dowladda Federaalka ka waday gudaha magaalooyinka waa-weyn ee Puntland, sida warbixintu sheegtay.

Ciidamada la diiwaangeliyay ayaa waxaa mushahaarkooda siin doonta Dowladda Federaalka Soomaaliya laga bilaabo xilligan.

Hoggaamiyaashii hore ee Puntland soo maray ayaa diiday soo-jeedino ay madaxdii hore ee Dowladihii Federaalka ku doonayeen in ciidamada Puntland lagu wareejiyo Dowladda Dhexe si ay iyadu u maamusho gunno-siinta iyo taliskooda.

Xukuumada hadda wakhtigeedu dhammaanayo ee Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali kama aysan hadlin la wareegista ciidanka booliiska Puntland ee Dowladda Federaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*