Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray waddo cusub oo laami ah oo laga dhisay Garoowe

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo xariga ka jaraya wadada cusub ee laamiga ah. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyadda]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Axad ah si rasmi ah xariga uga jaray waddo laami ah oo isku xiraysa magaalada Garoowe iyo xarumaha dowladda ee kuyaala duleedka magaalada.

Iasaga oo ka hadlayay munaasabada xarig ka jarka, madaxweyne Cabdiweli ayaa boogaadiyay tayada wadada taasoo uu sheegay in loo dhisay si heersare ah.

“Aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa Wasaaradda Maaliyadda iyo intii kale ee kala qayb qaadatay hirgelinta dhismaha waddadan aadka u quruxda badan oo aan isleeyahay inay tahay wadooyinkii magaalada horey uga jiray mid aad uga tayo wanaagsan, ugana qiima badan, waan ku faraxsanahay daahfurka waddadan aad u jeedaan bilicda kamuuqata iyo sida loo dhisay iyo farsamada, tayada waddo ee meesha kamuuqata, aad iyo aad bay noo cajab gelinaysaa kuna faraxsanahay.” Ayuu yiri.

Wadada oo ay dhistay shirkad laga leeyahay Turkiga ayaa dhererkeeda lagu qiyaasay 1.5 kiiloomitir, waxaana ku baxday dhaqaale gaaraya $200,000, oo ay bixisay dowladda Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*