Puntland oo laga yaabo in ay lumiso mashruuc labaad oo muhiim ah

Biyo xireen hore oo laga dhisay gudaha Puntland. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa laga yaabaa in ay lumiso mashruuc labaad oo muhiim ah sababtoo ah muran ka dhaxeeya labo haayadood oo dowladda katirsan, sida uu sheegay xildhibaan.

Xildhibaan katirsan baarlamaanka Puntland Cabdikariim Xuseen Guure oo loo yaqaan Shaacuur oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in mashruuca biyo-xireen ah oo ay fulineysay Wasaaradda Deegaanka laga yaabo in la joojiyo kadib markii haayada PSAWEN ay deeqbixiyaha ka codsatay in la joojiyo, iyada oo ku andacooneysa in ay iyadu masuul ka tahay mashaariicda biyaha ee Puntland.

Shaacuur ayaa intaas ku daray in Madaxweynaha Puntland uusan waxba ka qaban muranka u dhaxeeya labadaas haayadood, isaga oo si toos ah ugu eedeeyay in Cabdiweli Maxamed Cali uu dabada ka riixayo haayada PSAWEN, inkasta oo uusan bixin wax cadeyn ah.

Mashruuca biyo-xireenka ah ayaa ka socda magaalada Buurtinle ee gobolka Nugaal, waxaana maalgelinaysa haayada Jarmalka ah ee GIZ, taasoo horaantii bishaan joojisay mashruucii dhismaha wadada laamiga ah ee isku xira Garoowe iyo Gaalkacyo, kadib markii ay sheegtay in shaqada sidii la rabay aan loo qaban.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*