Ninkii geystay weerarka jaamacada gobolka Ohio ee Mareykanka oo la aqoonsaday in uu Soomaali ahaa

Cabdirisaaq Cali Cartan oo 18-sanno jir ah Soomaali ah ayaa la ogaaday in uu ka dambeeyay weerarka jaamacada Ohio. [Sawirka: Twitter]
Cabdirisaaq Cali Cartan oo 18-sanno jir ah Soomaali ah ayaa la ogaaday in uu ka dambeeyay weerarka jaamacada Ohio. [Sawirka: Twitter]
Ohio-(Puntland Mirror) Ninkii geystay weerar ka dhacay Jaamacada gobolka Ohio ayaa la aqoonsaday in uu ahaa Soomaali, kaasoo arday ka ahaa jaamacada, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

Cabdirisaaq Cali Cartan oo 18-sanno jir ah ayaa gaari ku weeraray koox arday ah oo lugeynaysay jaamacada kadibna waxa uu ka degtay gaarigii isaga oo bilaabay toorayeyn kahor inta aysan booliiska toogan.

Saraakiil u hadashay Ciidamada booliiska ayaa sheegay in ay baarayaan weerarkii dhacay shalay oo Isniin ahayd.

Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhaawacantay weerar ka dhacay Jaamacada gobolka Ohio.

Sagaalkii qof ee dhaawacantay ayaa loo qaaday isbitaalada maxaliga ah, hal qof ayaa ku sugan xaalad daran kuwo kalena xaaladoodu waa wanaagsantahay, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Cartan oo ahaa qaxooti Soomaali ah ayaa ugu noolaa dalka Mareykanka sifo sharci ah oo deganaansho, sida ay ku warameen warbaahinta Mareykanka.

Jaamacada gobolka Ohio ayaa kamid ah jaamacadaha ugu waa-weyn Mareykanka, iyadoo qiyaastii 60,000 arday wax ka bartaan jaamacada.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas ilaa iyo hadda, weeraro hore oo kan oo kale ah ayaa waxaa sheegtay masuuliyadiisa kooxda ka dagaalanta Bariga Dhexe ee ISIS.

Dhawaan, kooxda ISIS ayaa ka codsatay taageeraysheeda in ay isticmaalaan wax walba oo hub ah si ay weeraro u qaadaan.

Soomaalida Mareykanka oo cambaareysay weerarka jaamacada Ohio

Soomaalida kunool dalka Mareykanka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka ka dhacay jaamacada gobolka Ohio oo uu geystay wiil Soomaaliyeed.

“Bulshada Soomaaliyeed, iyo ani ahaanba waanu ka xunahay waxa dhacay iyo cidda samaysay… qof walba waa walaacsanyahay qof walba waa xanaaqsanyahay,” Axmed Xasan oo katirsan Soomaalida ku nool metro Atlanta ayaa sidaa Facebook-a dhexdiisa ugu sheegay Puntland Mirror.

Axmed ayaa ku eedeeyay Cartan in uu sababay in laga argagaxo lana nebcaysto dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan Muslimiinta Mareykanka kunool.

Ugu dambayna Axmed ayaa u sheegay warsidaha Puntland Mirror in ay samayn doonaan banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan ficiladaas oo kale, taasoo bulshada Mareykanka dhexdeeda ku keeni karta in nebcaansho gaar ah loo qaado dadka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Mareykanka.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*