Maxkamada ciidamada Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay 7 xubnood oo katirsan Al-Shabaab

Maxkamada ciidamada Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay 7 xubnood oo katirsan Al-Shabaab[Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Maxkamada ciidamada Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay 7 xubnood oo katirsan Al-Shabaab[Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada Puntland ayaa maanta oo Isniin ah xukun dil ah ku riday todobo xubnood oo katirsan ururka Al-Shabaab.

Isaga oo saxaafada kula hadlayay magaalo xeebeedka Boosaaso, taliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay amarka kama dambaynta ah ee maxkamada.

Guddoomiye Cabdifataax ayaa sheegay in todobada nin ay qirteen in ay kamid ahaayeen ururka Al-Shabaab ayna ku lug lahaayeen dilal ka dhacay gudaha Puntland, kuwaasoo lagu bartilmaameedsaday saraakiil dowlada katirsanaa.

Magacyada todobada nin ee ay maxkamadu dilka toogashada ah ku xukuntay waxay kala yihiin:

  1. Nuuradiin Axmed Samatar Deerow, 20-sanno jir.
  2. Ayuub Yaasiin Cabdi, 32-sanno jir.
  3. Cali Ismaaciil Cali sidoo kale loo yaqaan “Cali Gaab” 20- sanno jir.
  4. Xasan Aadan Xasan, 22- sanno jir.
  5. Cabdixakiim Maxamed Aweys, 24- sanno jir.
  6. Maxamed Yaasiin cabdi, 17- sanno jir.
  7. Daauud Siciid Sahal, 18- sanno jir.

Waxaa todobadaas nin gudaha magaalada Boosaaso kasoo qabtay ciidamada ammaanka Puntland intii lagu guda jiray bilihii u dambeeyay, sida ilo-wareedyo ay u xaqiijiyeen warsidaha Puntland Mirror.

Bartamihii bishii June ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2016-ka, maxkamada ciidamada Puntland ayaa 43 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ku xukuntay dil toogasho, kadib markii lagu helay in ay katirsanaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab kuwaasoo ka qeybqaatay dagaalkii dhiiga badan ku daatay ee dhexmaray ciidamada dowladda Puntland iyo maleeshiyada Al-Shabaab bartamihii bishii Maarso ee isla sanadkaas, balse wali dilka toogashada ah lama fulin sida uu fahansanyahay warsidaha Puntland Mirror.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*