Maleeshiyada Al-Shabaab oo isaga baxay magaalada Ceel-waaq oo ay shalay qabsadeen

Maleeshiyada Al-Shabaab.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab oo shalay galab oo Jimce ahayd qabsatay magaalada Ceel-waaq oo kutaala xadka Kenya iyo Soomaaliya u dhaxeeya ayaa xalay oo Sabti ahayd isaga baxday halkaas, sida ay sheegayaan wararka.

Maleeshiyada oo magaalada shalay galab ilaa xalay haysatay ayaa ka baxday kadib markii ay ogaadeen in ay ciidamo kusoo fool leeyihiin katirsan kuwa AMISOM iyo kuwa dowlada federaalka Soomaaliya.

Ceel-waaq ayaa ah magaalo istiraatiiji ah waxayna wado weyn u tahay ciidamada Kenya ee howgalada kawada koonfurta galbeed ee Soomaaliya.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*