Puntland oo sheegtay in dhawaan ay sii deyn doonto faahfaahin dheeri ah oo ku saabdan dilkii maareeyihii shirkada DP World ee dekada Boosaaso

Madaxtooyada Puntland ee Garoowe. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa sheegtay in dhawaan ay sii deyn doonto faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan baaritaan ay ku sameysay dilkii maareeyihii shirkada DP World ama P&O Ports ee dekada magaalada Boosaaso.

“Faahfaahin dheeri ah ayaa dhawaan la sii deyn doonaa oo aan anagu ku sameynay weeraradii argagixiso oo dhawaan ka dhacay Boosaaso oo uu kamidyahay khaarajiintii maareeyihii dekada Boosaaso ee P&O Ports.” Sidaa ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland xalay fiidkii.

Paul Anthony Formosa, oo u dhashay jasiiradda Malta, ayaa waxaa toogasho ku dilay nin baastoolad ku hubeysan gudaha magaalo xeebeedka Boosaaso Febaraayo 4-dii 2019. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilkaas.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo Puntland codsatay in baaritaan lagu sameeyo warbixin uu Isniintii daabacay wargeyska New York Times ee sheegaysa in Qatar ay ku lug lahayd weeraro argagixiso oo ka dhacay magaalada Boosaaso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*