Madaxweyne Erdogan oo wacad ku maray in howlgalada Suuriya ay sii socon doonaan ilaa lasoo afjaro kooxaha argagixisada ah

Raccep
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Sawirka: Reuters.

Ankara-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wacad ku maray in Turkiga uu sii wadi doono la dagaalanka kooxda ISIS iyo dagaalyahanada Kurdiyiinta ee Suuriya, iyadoo maalintii shanaad uu socdo howlgalka ay ciidamada Turkiga uga gudbeen xadka oo ku galeen waqooyiga dalka Suuriya.

Isaga oo ka hadlayay shalay oo Axad ahayd gobolka Gaziantep oo kuyaala koonfurta-bari ee dalka Turkiga, halkaas oo 54 qof lagu dilay weerar isqarxin ahaa oo lala beegsaday aroos ay lahaayeen Kurdiyiinta asbuucii lasoo dhaafay, Erdogan wuxuu yiri: “Uma dulqaadan doono urur walba oo argagixiso ah oo jooga gudaha ama xadkayaga”.

“Taasi waa waxa aanu u galnay gudaha Suuriya,” ayuu ku daray Erdogan.

Ugu dambayna Erdogan ayaa carabka ku adkeeyay in ciidamada Turkiga ay sii wadi doonaan weerarada cirka iyo dhulka ah ee ay ku hayaan kooxaha ku sugan gudaha Suuriya oo Turkiga aaminsanyahay in ay ka dambeeyaan qaraxyada ka dhaca dalka Turkiga.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*