Madaxweynaha Puntland oo sheegay in $3.6 milyan oo kamid lacagtii lagu qabtay Muqdisho ay leeyihiin ciidanka badda Puntand ee PMPF

Ciidanka PMPF ayaa kamid ah ciidamada ugu tababarka iyo qalabka fiican Soomaaaliya. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in lacagtii lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho qeyb kamid ah ay leeyihiin ciidanka badda Puntland ee PMPF oo uu Imaaraatka Carabta taageero.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali oo wareysi ay la yeelatay idaacada VOA qeybteeda Soomaaliga ayaa sheegay in $3.6 milyan oo dollar oo kamid ah ay ahayd lacagtii loogu talogalay ciidamada jooga Puntland.

“Markii lacagta la qabsaday waan wacay safiirka Maxamed Cusmaani waan wareystay, wuxuuna ii sheegay lacagtu $9.6 milyan bay ahayd, $3.6 milyan oo dollar oo kamid ah lacagtaas in ay ahayd lacagtii ay ugu talogaleen ciidamada jooga Puntland,” ayuu yiri Madaxweynuhu, isaga oo intaas ku daray in uu arrintaas la qeybsaday masuuliyiinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.

8-dii bishaan April, ciidamada ammaanka ee ku sugan Muqdisho ayaa qabtay lacag kaash ah oo ay siday diyaarad ka timid Imaaraatka. Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in lacagta la dhigay bangiga dhexe lana baarayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*