Madaxweynaha Kenya oo sheegay in weerarkii hutel Dusit ee Nairobi lasoo afjaray

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo dad weynaha la hadlaya kadib weerarkii huteel Dusit. [Xigashada Sawirka: Capital FM]
Nairobi-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dhammaan nimankii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday huteel kuyaala Nairobi la dilay lana soo afjaray 19-saacadood oo ay haysteen.

Hadal uu taleefishinka qaranka ka jeediyay, Kenyatta ayaa sheegay in 14 qof oo rayid ah ay ku dhinteen weerarka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ka badan 700 qof oo shacab ah laga soo badbaadiyay goobta.

“Howlgalkii amni ee huteelka Dusit waa dhammaaday kulli argagixisadii waa la laayay,” ayuu yiri Kenyatta.

“Waxaanu xaqiijinay in 14 qof oo birimagaydho ah ay nafootda ku waayeen gacanta argagixisada, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.”

Maleeshiyada Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya oo horey weeraro uga geysatay dalka Kenya ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas.

Weerarka huteel Dusit waa kii kowaad oo ka dhaca gudaha Nairobi tan iyo markii niman hubeysan oo katirsanaa Al-Shabaab ay weerareen dukaan weynaha Westgate sanadkii 2013, laguna dilay ugu yaraan 67 qof.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*