Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya oo magacaabay guddi qaran ee dib-u-heshiisiinta iyo wadahadalada Somaliland

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. [Xigashada Sawirka: Villa Somalia]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gelinka dambe ee Arbacada magacaabay guddi qaran ee dib-u-heshiisiinta iyo wadahadalada Somaliland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Farmaajo ayaa u magacaabay xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil guddoomiyaha guddigan, halka mudane Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen “Guulwade” uu u magacaabay guddoomiye ku xigeenka, xubanaha kale ee guddiga ayaa ah:

1.Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow)
2. Dr.Cali Siciid Fiqi 
3. Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse 
4. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jaangeli)

“Guddigan ayaa Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay in xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka walaalaheenna Soomaaliland, loona xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, wadaniyadda, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida.” Sidaa ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale, xeerka uu soo saaray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qeexaya xilka iyo waajibaadka guddigaan kuwaas oo ah: 

1. In ay hoggaamiyaan, kuna metalaan Dowladda Federaalka wadahadallada Soomaaliland. 
2. In ay diyaariyaan cilmi-baaris tafaftiran oo ku saabsan dhinacyada sharciga, siyaasadda, taariikhda, dhaqan-dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee ku aaddan wadahadalladan. 

3. In ay talo bixin joogta ah ka siiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya geeddi socodka wadahadalladan. 

4. In ay diyaariyaan tubta wadahadallada. 

5. Guddiga waxa ay dhammeystiranayaan hannaankooda qaab dhismeed, iyaga oo awood u leh in ay qortaan khuburo iyo lataliyeyaal.

Somaliland oo ah maamul kuyaala waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’day inta kale ee Soomaaliya sanadkii 1991, balse wax aqoonsi ah kama helin caalamka.

Wadahadalo hore oo dhexmaray dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland sanadihii lasoo dhaafay ayaa ku dhamaaday guuldaro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*