Wasiirka kalluumaysiga Puntland oo sheegay in dhulgariis cabirkiisu dhanyahay 4.5 uu ka dhacay Gacanka Cadmeed gaar ahaan meel u dhow magaalada Bareeda

Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland Faarax Cawaash. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda dowladda Puntland ayaa sheegay in dhulgariis cabirkiisu dhanyahay 4.5 magnitude uu ku dhuftay Gacanka Cadmeed gaar ahaan meel u dhow magaalada Bareeda.

“Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda waxaa soo gaaray warar hor dhac ah maalinimadii Axadda oo ahayd in dhulgariir uu ka dhacay badda Gacanka Cadmeed, dhulkariirkaas oo markii hore lagu sheegay in uu ahaa qiyaastii 4.5 magnitude oo aad u xoog weynaa uu ka dhacay gudaha badda,” Ayuu yiri Faarax Cawaash oo warbaahinta kula hadlay Garoowe maanta oo Talaado ah.

“Markii hore wararku waxay noogu sheegeen magaalada Bareeda in uu ka dhacay agteeda aadna u saameeyay, laakiin markii aan la xiriirnay dadkii deganaa magaalada Bareeda waxay noo sheegeen in aysan maqal wax dhulgariir ahna aysana dareemin, wuxuu isugu soo uruuray in uu ka dhacay 171 kiilomitir dhinaca waqooyi galbeed meel Bareeda kaga beegan badda gacanka cadmeed.”

Faarax Cawaash ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo ilaa iyo hadda la soo sheegay in dhulgariirkaas sababay, balse ay wasaaraddu diyaarisay koox khuburo badeed ah si ay arrintaas ugu soo sameeyaan kormeer.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*