Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo howlgalo wadajir ah oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay koonfurta Soomaaliya

Ciidamada AMISOM. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (AMISOM) iyo ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa asbuucaan qaaday howlgalo wadajir ah si looga sifeeyo xagjiriinta Al-Shabaab tuulooyin u dhow Qoryooley ee koonfurta Soomaaliya.

AMISOM ayaa maanta oo Axad ah sheegay in howlgalka wadajirka ah ee lagu nadiifinayo argagixisada uu bilaabmay Khamiistii ujeedkuna yahay in la hakiyo ficilada maleeshiyada ee gobolka oo dhan.

Kornayl Xuseen Xoosh, oo ah taliyaha guutada 7-aad ee ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalka milatariga ah ujeedkiisu sidoo kale yahay in Al-Shabaab loo diido in ay fursad u helaan deegaanada muhiimka ah ee kuyaala Shabeellaha Hoose kaasoo ay saldhig ka dhigtaan si ay u waxyeeleeyaan bulshada.

“Howlgalku waxa uu fariin adag u yahay argagixisada taasoo ay fiicnaan lahayd in ay is-dhiibaan ayna ka haraan ficilada waxshinimada ah ee ka dhanka ah dadka rayidka ah iyo dowladda dhabta ah ee Soomaaliya ama waanu la dirireynaa,” Xoosh ayaa sidaa yiri.

Howlgalka ayaa imaanaya iyada oo la adkeeyay ammaanka caasimada Muqdisho kadib markii la geeyay ciidamo badan waddooyinka muhiimka ah la dhiggay bar-kantaroolo si looga hortago weeraro ka yimaada maleeshiyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*