Koox baastoolad ku hubaysan oo labo qof oo shacab ah ku dishay gudaha magaalada Laascaano

Magaalada Laascaano ee gobolka Sool. [Sawirka: Puntland Mirror]
Magaalada Laascaano ee gobolka Sool. [Sawirka: Puntland Mirror]
Laascaano-(Puntland Mirror) Ugu yaraan labo qof oo shacab ah ayaa lagu dilay toogashooyin xalay ka dhacay gudaha magaalada Laascaano ee gobolka Sool, sida ay warsidaha Puntland Mirror u sheegeen dadka deegaanka.

Koox aan haybtooda la aqoon oo baastoolado ku hubaysan ayaa xalay oo Sabti ahayd fiidkii dil u geysatay Jaamac Cabdi, oo ahaa nin si weyn looga yaqaan gudaha magaalada Laascaano.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsadtay toogashada kadib.

Koox kale oo aan haybtooda la aqoon oo baastoolado ku hubaysan ayaa isla xalay fiidkii gudaha magaalada Laascaano ku dishay nin lagu magacaabi jiray Cabdixakiin Ducaale.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada dilalkaas khaarajinta ah ee xalay dhacay.

Magaalada Laascaano ayaa sanadadii dhawaa ee lasoo dhaafay waxaa ka dhacayay dilal toogasho ah oo loo geystay dad rayid ah iyo masuuliyiin katirsan maamulka Somaliland oo magaalada maamula, kuwaasoo gacanta ku hayay ilaa iyo 2007-dii.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*