Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari. [Sawirka: Archive]Muqdisho-(Puntland Mirror) Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa ka codsaday raysulwasaaraha cusub in uu dib u eegis ku sameeyo golihiisa wasiiradda oo uu dhawaan soo dhisay kadib markii ku dhawaad 100 xildhibaan ay soo jeediyeen codsi ku saabsan wax ka bedel.
Soo-jeedinta shalay oo Sabti ahayd kasoo baxday Jawaari ayaa digniin u noqon karta in liiska wasiiradda ee raysulwasaaruhu soo dhisay ay diidmo kala kulmi karaan golaha baarlamaanka.
Jawaari ayaa ku andacooday in soo doorashada golaha wasiiradda ay kasoo horjeedo waxa uu ugu yeeray awood qaybsiga qabiilka ee Soomaaliya.
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.
Be the first to comment