Ugu yaraan 12 qof oo ku dhimatay qaraxyo ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo qarax
Qaraxa oo burburiyay suuqa Xero Dayax oo kuyaala meel u dhow dowlada hoose.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii labo gaari oo ay wadaan naftood haligeyaal lagu qarxiyay xarunta dowlada hoose ee magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

“Ugu yaraan 12 qof baa dhimatay oo ay ku jiraan dad shacab ah iyo saraakiil booliis ah kadib markii gaariyaal qarax ah lala eegtay xarunta dowlada hoose ee Gaalkacyo saakay.” Axmed Xasan Ciise oo ah dadka deegaanka Gaalkacyo ayaa sidaa khadka taleefoonka ugu sheegay warsidaha Puntland Mirror.

Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, dhacay maanta oo Axad ah, sida lagu qoray warbaahinta taageerta kooxdaas.

Dhanka kale, saraakiisha dowlada Puntland ayaa si weyn u cambaareeyay qaraxyadaas, iyagoo wacad ku maray in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhank ah kooxda Al-Shabaab ilaa laga soo afjarayo.

Weerarka dhacay maanta oo Axad ah ayaa imaanaya asbuuc kadib markii shan sarkaal oo Al-Shabaab ah oo uu ku jiro nin ajnabi ah lagu soo qabtay howlgal ay si wadajir ah xaafada koonfurta Gaalkacyo uga sameeyeen ciidamada PSF ee Puntland iyo kuwa dowlada federaalka Soomaaliya ee Danab.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*