Hoggaamiyihii ugu caansanaa burcadbadeeda Soomaaliya oo lagu dilay gobolka Mudug

Garaad oo warbaahinta kula hadlaya Muqdisho kadib markii lasoo daayay. [Screenshot/SNTV]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Axmed Maxamuud Maxamed oo si weyn loogu yaqaanay Garaad, kaasoo kamid ah raga ugu waa-weyn ee burcadbadeeda Soomaaliya ayaa lagu dilay gobolka Mudug Isniintii, sida ay sheegeen eheladiisa iyo ciidamada booliiska.

Garaad ayaa waxaa jidka u galay dilayna niman hubeysan deegaan la dhaho Colfuula uu kuyaala gobolka Mudug, sida saraakiil katirsan ciidamada booliiska ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Garaad ayaa ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo waxaana uu ka yimid Hobyo markii dilku uu dhacay, sida ay booliisku sheegeen.

Ma cadda cida ka dambeysa weerarka, balse qaar katirsan eheladiisa ayaa Puntland Mirror u sheegay in ay jirtay muran xoogan oo u dhaxeeya isaga iyo maleeshiyo deegaanka ah.

Waxa la aaminsanyahay in uu jiray 50 sanno, Garaad ayaa ku lug lahaa afduub badan oo ka dhacay Gacanka Cadan intii lagu guda jiray xilligii burcadbadeeda Soomaaliya.

Sanadkii 2011, Garaad ayaa waxaa qabtay ciidamada badda dalka Iran waxaana uu xabsi ku soo qaatay ku dhawaad sideed sanno balse waxaa la sii daayay bishii Febaraayo ee sanadkan isaga oo ku soo laabtay dalkiisa hooyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*