Qaramada Midoobay oo sheegtay in colaada Gaalkacyo ay ku barakaceen 50,000 oo qof

Baabuur sida dad ku barakacay dagaalka Gaalkacyo. [Sawirka: Archive]
Gaalkacyo(Puntland Mirror) Ku dhawaad 50,000 oo qof ayaa ku barakacay dagaalada u dhaxeeya dowlada Puntland iyo maamulka Galmudug ee Gaalkacyo, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay shalay oo Jimce ahayd.

“Dadka ka shaqeeya insaanimada waxay ku qiyaaseen 50,000 oo qof in ay ku barakaceen, 60 boqolkiiba waa dad barakacayaal ah kuwaasoo barakac labaad ku dhacay. Haayadaha ka shaqeeya insaanimada waxay kusoo warameen in dadka shacabka ah intiisa badan ee ka barakacay dhanka koonfurta Gaalkacyo ay u carareen qaybo kamid ah koonfurta Mudug iyo Galgaduud, halka kuwa waqooyiga Gaalkacyo ka barakacay ay u carareen deegaano kuyaala waqooyiga Mudug iyo Nugaal.” haayada Qaramada Midoobay ee xiriirka arrimaha insaanimada ayaa sidaa ku sheegtay bayaan.

Bayaanka haayada Qaramada Midoobay ee xiriirka arrimaha insaanimada (UNOCHA) ayaa lagu sheegay in 11 qof lagu dilay dagaalka ilaa iyo hadda, iyadoo laga soo xigtay saraakiil maxali ah.

 

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*