Golaha wasiiradda cusub ee Soomaaliya oo kulankoodii ugu horeeyay yeeshay kadib markii ay codka kalsoonida ka heleen baarlamaanka

Golaha wasiiradda cusub ee Soomaaliya oo kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay Muqdisho. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Raysulwasaaraha]
Golaha wasiiradda cusub ee Soomaaliya oo kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay Muqdisho. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Raysulwasaaraha]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Golaha wasiiradda cusub ee Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah gudaha Muqdisho ku yeeshay kulankoodii kowaad kadib markii ay codka kalsoonida ka heleen xildhibaanada baarlamaanka.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhammaan golaha wasiiradda cusub waxaana shir guddoominayay Raysulwasaare Xasan Cali Khayre.

Arrimaha ugu muhiimsanaa ee shirka looga hadlay ayaa waxaa kamid ahaa shaqo la wareegida wasiiradda cusub, qorshaha ay xukuumadu ku shaqayn doonto, amniga iyo xaalada abaarta.

Ugu horeyn Raysulwasaaraha oo furay shirka ayaa ku wargeliyay wasiirada in shacabku uga fadhiyo xukuumada howl adag oo hufan, loona baahan yahay in laga dhabeeyo rajada shacabka. Raysulwasaaraha ayaa faray golaha Wasiirada cusub inay buuxiyaan Foom ay ku cadeynayaan in xubin kasta oo ka mid ah golaha uu waajibkiisa u guto si daacad ah, aamin ah, ayna soo bandhigaan macluumaad rasmi ah oo ku aaadan hantida gaarka ah, iyada oo la waafajinayo sharciga, si loo helo isla xisaabtan dhab ah.

Raysulwasaare Khayre ayaa waxa uu golaha wasiirada ku booriyay in awooda la isugu geeyo sugida amniga iyo xasilinta dalka, wuxuuna carabka ku adkeeyey in loo baahan yahay in la dejiyo istaraatiijiyad heer qaran ah oo lagu hubinayo shaqada iyo hufnaanta hay’addaha amniga.

“Waxaan galnay marxalad cusub, waana inaan u diyaar garowno sidii shacabka loo gaarsiin lahaa, nabad, xasilooni iyo dib u heshiisiin” ayuu yiri RW Xasan Cali Kahyre.

Kulankan ayaa imaanaya hal maalin kadib markii xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya cod aqlabiyad leh ku ogolaadeen golaha wasiiradda cusub ee uu dhawaan soo dhisay Raysulwasaare Xasan Cali Khayre.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*