Siyaasi Cabdi Shuluco oo ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay meel u dhow Garoowe

Shuluco
Siyaasi Cabdi Xaaji Yuusuf “Cabdi Shuluco”. Sawirka: Archives.

Garoowe-(Puntland Mirror) Siyaasi Cabdi Xaaji Yuusf “Shuluco” ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay shalay galab oo Khamiis ahayd duleedka magaalada Garoowe, sida ay warsidaha Puntland Mirror u xaqiijiyeen dhaqaatiirta caafimaadka isbitaalka guud ee Garoowe.

Shuluco ayaa shilka gaari ku galay deegaanka Buurwadal oo qiyaastii 30km dhinaca waqooyiga uga beegan magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Dhaqaatiirta isbitaalka Garoowe ayaa Puntland Mirror u sheegay in siyaasiga xaaladiisa caafimaad ay aad u fiicantahay iyadoo dhaawac kasoo gaaray faraha adimada sidoo kalena dhaawac fudud uu ka gaaray madaxa.

Siyaasi Cabdi Xaaji Yuusf “Shuluco” ayaa ah siyaasi caan ah oo aad looga yaqaan Puntland iyo Soomaaliya, sanadkii 2008- da wuxuu kamid ahaa murashaxiintii madaxtinimada Puntland, kahorna wuxuu soo noqday wasiir Puntland ah, sidoo kalena Cabdi Shuluco ayaa jagooyin sare kasoo qabtay dowladii dhexe Soomaaliya ee  Maxamed Siyaad Bare isagoo gaaray agaasime guud.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*