Samsung oo daaha ka qaaday taleefoonkeeda cusub ee Galaxy S8

DJ Koh, oo ah madaxweynaha ganacsiga isgaarsiinta taleefoonada gacanta ee Samsung oo ka hadlaya munaasabada daah ka qaadida Galaxy S8. [Xigashada Sawirka: Getty Images]
DJ Koh, oo ah madaxweynaha ganacsiga isgaarsiinta taleefoonada gacanta ee Samsung oo ka hadlaya munaasabada daah ka qaadida Galaxy S8. [Xigashada Sawirka: Getty Images]
Seoul-(Puntland Mirror) Shirkada Samsung ayaa shalay oo Arbaco ahayd  daaha ka qaaday taleefoonkeeda gacanta ugu sareeya oo ah kuwa-caqliga badan ee loo yaqaan (smartphone) oo noociisu yahay Galaxy S8, kaasoo suuqyada caalamka soo galaya 21 bisha April ee sanadkan.

Taleefoonka ayaa ah kii ugu fiicnaa oo ay sii dayso shirkada laga leeyahay Koonfur Kuuriya tan iyo markii Galaxy Note 7 oo ay sii daysay sanadkii hore uu ciladoobay taasoo markii dambe ku khasabtay Samsung in ay joojiso iibka taleefoonkaas.

Kadib ciladaas ku timid Galaxy Note 7,  iyadoo dadaal ugu jirta sidii ay u soo celin lahayd kalsoonida macaamiisha, Galaxy S8 ayaa wata qaab dhismeed cusub, oo uu kamidyahay nidaamka ammaanka kaasoo loo isticmaalayo waji garashada qofka, iyo caawimaad Digital ah oo cusub oo la dhaho Bixby.

Samsung ayaa taleefoonka shaashada weyn ee Smartphone-ka daaha ka qaaday dhowr sanno kahor, iyadoo tartan xoogan kula jirtay shirkada Mareykanka laga leeyahay ee Apple.

Taleefoonka Galaxy S8 ayaa shaashadiisu dhantahay 15.75-centimeter (6.2-inch).

“Samsung Galaxy S8 waa hoggaamiyaha cusub ee taleefoonada Smartphone waxaana uu leeyahay adeeg cusub oo casri ah, waxaana uu jid cusub u furayaa aqoonta dunida,” DJ Koh, oo ah madaxweynaha ganacsiga isgaarsiinta taleefoonada gacanta ee Samsung ayaa sidaa yiri.

Samsung ayaa hoggaaminaysay iibka suuqyada taleefoonada gacanta ee caalamka muddo shan sanno ah, balse waxaa kala wareegay shirkada Apple tan iyo sanadkii 2012-kii.

Samsung ayaa sanadkii 2016-kii dakhli dhan $80.9 bilyan ka heshay taleefoonada gacanta, halka Apple ay ka heshay $158.5 bilyan, sida ay muujinayso xog ay dhawaan daaha ka qaadeen shirkadaha taxliiliya suuqyada ganacsiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*