Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ka doodi doona Soomaaliya kadib ceyrintii Haysom

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. [Sawir Hore]
New York-(Puntland Mirror) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in uu ka doodo arrimaha Soomaaliya maalmo kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in dalka ka saarayso ergayga Qaramada Midoobay.

Kulanka dhacaya maanta oo Khamiis ah ayaa ahaa mid joogto ah oo looga hadlo Soomaaliya, halkaas oo Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay ku leeyihiin ciidamo wadajir ah oo nabad ilaalin ah. Balse dooda maanta ayaa looga hadli doonaa arrimo dheeri ah kadib markii Soomaaliya amar ku bixisay in ergayga Qaramada Midoobay Nicholas Haysom uu dalka ka tago.

Haysom oo lagu wado in uu warbixin kooban siiyo golaha, ayaa asbuucaan lagu amray in uusan Soomaaliya kasii shaqeyn karin, isaga oo lagu eedeeyay in uu farogelin ku sameeyay arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Amarka ka dhanka ah Haysom ayaa yimid kadib markii Haysom uu waraaq ku taariikhaysnayd 30-ka December u diray wasiirka amniga taasoo walaac ka muujinaysa ku lug lahaanshihii eedayntii loo jeediyay ciidamada ammaanka oo Qaramada Midoobay taageerto ee xarigii Mukhtaar Roobow 13-kii December, oo ay ku dhinteen 13 qof oo rayid ah rabshado ka dhacay magaalada Baydhabo.

Waraaqda Haysom ayaa sidoo lagu weydiiyay wasiirka in uu sharaxaad ka bixiyo qaabka sharaciga ah ee loo cuskaday xariga Roobow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*