Afar musharax oo u tartamaya guddoomiyaha baarlamaanka Puntland

Garoowe-(Puntland Mirror) Maalinta Jimcada ayaa qorshuhu yahay in baarlamaanka cusub ee Puntland uu doorto guddoomiye iyo ku-xigeeno.

Afar xubnood ayaa u sharaxan xilka guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Cabdijamaal 

Cabdijamaal Cismaan Maxamed ayaa labadii xukuumadood ee Puntland kasoo qabtay xilal wasiiro ah.

Waxa uu wasiir ku xigeenka amniga soo noqday xilligii xukuumadii Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Cabdijamaal ayaa aad loogu xasuustaa qeybtii uu ka qaatay dagaalkii Buuraha Galgala ee bilaabmay sanadkii 2010 oo u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Isku shaandheyn uu Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ku sameeyay golihiisa wasiiradda bishii June ee sanadkii 2015 ayaa Cabdijamaal loogu magacaabay wasiirka xanaanada xoolaha.

Markii xildhibaanada baarlamaanka Puntland ay rideen golihii wasiiradda bishii Agoosto sanadkii 2017 Cabdijamaal ayaan kasoo dhex muuqan liiska wasiiradda oo madaxweyne Cabdiweli intoodii badnayd uu soo celiyay.

Isla sanadkii 2017 Madaxweynaha Puntland ayaa Cabdijamaal u magacaabay la taliyihiisa arrimaha amniga.

Kadib markii beeshiisu ay u soo xulatay xildhibaan Cabdijamaal ayaa asbuucaan ku dhawaaqay in uu u tartamayo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Dhoobo-daarood

Cabdixakiin Maxamed Axmed oo loo yaqaan Dhoobo-daarood ayaa katirsanaa baarlamaanka Puntland sanadihii dhawaa ee lasoo dhaafay.

Sanadkii 2014 Dhoobo-daarood ayaa u tartamay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland balse waxaa uu ku haray wareega labaad.

Isla sanadkii 2015 Dhoobo-daarood ayaa markale isku taagay xilka guddoomiyaha kadib markii baarlamaanku xilkii ka qaadeen Siciid Xasan Shire balse Axmed Cali Xaashi oo ay dowladdu taageeraysay ayaa ka adkaaday.

Asbuucaan ayaa Dhoobo-daarood mar saddexaad isku soo taagay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Cabdirashiid

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil waxa uu ahaa abwaan curiya heesaha oo kunool dalka UK kahor inta uusan sanadkii 2013 ku biirin ololihii doorashada Puntland, isaga oo taageeray Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaanayo ee Cabdiweli Maxamed Cali.

Intii lagu guda jiray wakhtigii ololaha, Cabdirashiid ayaa Cabdiweli u sameeyay hees caan noqotay oo la dhaho “Taageer Cabdiweli”.

Markii uu xilka ku guuleystay Cabdiweli ayaa u magacaabay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil agaasimaha warfaafinta hiddaha iyo dhaqanka madaxtooyada, isaga oo xilkaas hayay tan iyo xilligaas.

Waxa la sheegaa in uu yahay nin ay madaxweynaha aad isugu dhowyihiin oo gacantiisa midig ah shantii sanno ee lasoo dhaafay.

Kadib markii ay beeshiisu u soo xulatay xubin baarlamaan asbuucaan ayuu ku dhawaaqay in uu u taaganyahay xilka guddoomiyaha baarlamaanka.

Cabdirashiid oo ah nin dhalinyaro ah oo firfircoon ayaa lagu xasuustaa in uu isku xiray gobolka uu ka soo jeedo ee Sanaag iyo madaxtooyada Puntland. Iyada oo xukuumada wakhtigeedu dhammaanayso ay gobolkaas mashaariic ka fulisay oo ay ugu weyntahay wadada Ceel-caadhir iyo Ceerigaabo.

Cabdiraxmaan

Cabdiraxmaan Cali Jibriil waxa uu baarlamaanka Puntland kamid ahaa shantii sanno ee lasoo dhaafay.

Kahor inta uusan ku biirin baarlamaanka waxa uu kamid ahaa ganacsatada.

Asbuucaan ayuu ku dhawaaqay inuu u loolamayo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*