Duqa Muqdisho oo ku dhawaacmay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xarunta dowladda hoose

Xarunta dowladda hoose Muqdisho. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay xarunta dowladda hoose ee magaalada Muqdisho galabta oo Arbaco ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka.

Qaraxa ayaa dhaawac culus waxa uu ka soo gaaray duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo loo yaqaan Yariisow, sida ay ilo-wareeyadu sheegeen.

Cabdiraxmaan Yariisow ayaa loola cararay isbitaalka halkaas oo lagula tacaalayo xaaladiisa.

Labo guddoomiye degmo oo ay midi ahayd haweenay ayaa ku geeriyooday qaraxa, wararka ayaa intaas ku daray.

Qaraxa ayaa dhacay saacado yar kadib markii ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan uu ka tagay goobta kadib kulan uu la yeeshay duqa Muqdisho.

Ma cadda sida qofka is qarxiyay ay ugu suurtagashay in uu galo xafiiska duqa Muqdisho iyada oo uu halkaas ka socday shir ku saabsanaa ammaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*