Mareykanka oo sheegay in ay qaadeen duqeyn is-difaacid ah intii lagu jiray weerar ay ciidamo huwan ah ku qaadeen tuulada Buulo-guduud

Mareykanka oo sheegay in ay qaadeen duqeyn is-difaacid ah intii lagu jiray weerar ay ciidamo huwan ah ku qaadeen tuulada Buulo-guduud. [Sawirka: Archive]
Mareykanka oo sheegay in ay qaadeen duqeyn is-difaacid ah intii lagu jiray weerar ay ciidamo huwan ah ku qaadeen tuulada Buulo-guduud. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Howlgalka ciidamada Mareykanka ee qaarada Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ay qaadeen duqayn ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya, kolkii la taliyeyaal Mareykan ah ay ku weheliyeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika tababar la dagaalanka argagixisada ah oo qabsoomay 7-dii bishaan Janaayo.

AFRICOM ayaa ku qeexay weerarkaas duqaynta ah “Is-difaacid”, iyaga oo todobo weerar oo kaas lamid ah ka sameeyay gudaha Soomaaliya sanadkii lasoo dhaafay ee 2016-ka, sida ay xaqiijiyeen.

Sida ay sheegeen AFRICOM, la taliyeyaasha ayaa kala qeybgalay ciidamo huwan ah oo Soomaali iyo AMISOM isugu jira oo weerar ku qaaday tuulada Buulo-guduud, oo u dhow magaalada Kismaayo.

AFRICOM ayaa sheegay in ciidamada huwanta ah ay qaadayeen howlgalo ka dhan ah saldhigyada ururka Al-Shabaab uu ku leeyahay deegaanada koonfurta Soomaaliya.

“Intii lagu guda jiray howlgalka la dagaalanka argagixisada ah ee ka dhan ahaa Al-Shabaab, ciidamada huwanta ah waxay kormeereen khatarta dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku yihiin xasiloonidooda iyo ammaankooda,” ayay dhaheen AFRICOM.

“Mareykanku wuxuu qaaday duqayn dhanka cirka ah oo is-difaacid ah si loo yareeyo khatarta Al-Shabaab, ma jiraan cid dagaalyahanada cadowga ah oo la dilay.” Ayay ku dareen.

AFRICOM ayaa weeraro badan oo dhanka hawada ah ku qaadayay maleeshiyada Al-Shabaab tan iyo sanadkii 2006-dii.

Duqayntii ugu khasaaraha badnayd oo Mareykanku la beegsadaan Al-Shabaab ayaa dhacday 7-dii bishii Maarso ee sanadkii 2016-ka, waxaana ay ka dhacday saldhig milatari oo la dhaho “Raaso” oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Muqdisho, ku dhawaad 150 dagaalyahan ayaa weerarkaas lagu dilay.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*