Dowlada Puntland oo si adag uga hadashay dagaalkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo

quraan-jecel
Afhayeenka dowlada Puntland Cabdulaahi Maxamed Jaamac (Quraan-jacel. [Sawirka: Archive]

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Garoowe-(Puntland Mirror) Dowlada Puntland ayaa si adag uga hadashay dagaalkii maanta oo Jimce ah ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

“Sida ay la wada socdeen ummadda Soomaaliyeed, beesha caalamka iyo dowladaha dariska ah waxaa 28 September, 2016-ka deegaanka Jeexdin ee bariga Gaalkacyo ay ciidamada la dagaalanka argagixisada caalamiga ah ku dileen saraakiil sare-sare oo katirsan argagixisada Al-Shabaab sida ay xaqiijiyeen laamaha la dagaalanka caalamiga ah ee dalka Maraykanka,” sidaa ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowlada Puntland.

“Dhacdadaas kadib waxaa Puntland uga imaanayey dhinaca maamulka Galmudug iyo Al-Shabaab hanjabaado ay ku muujinayaan in ay Puntland kusoo qaadi doonaan duulaan ay uga aar-gudanayaan xubnihii katirsanaa sharwadayaasha Al-Shabaab ee lagu laayay deegaanka Jeexdin ee bariga Gaalkacyo,” ayaa lagu daray bayaanka.

Dowlada Puntland ayaa sheegtay in weerarka saakay oo Jimce ah lagu soo qaaday shacabka Puntland ee magaalada Gaalkacyo lagu doonayo in loogu aar-gudo xubnihii Al-Shabaab ee lagu laayay deegaanka Jeexdin.

Puntland ayaa sheegtay in ay si buuxda uga difaacayso dalkeeda iyo dadkeeda duulaanka ay kusoo qaadeen Al-Shabaab iyo Galmudug oo is-garabsanaya.

Ugu dambayna Puntland waxay markale ugu baaqday dowlada federaalka Soomaaliya, dowladaha dariska, xullufada la dagaalanka argagixisada caalamiga ah iyo beesha caalamka in ay si dhow ula socdaan wejiyada cusub ee uu isku beddelay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socday gudaha Soomaaliya, Puntland ayaa sheegtay in masuuliyada duufaanta colaadeed ee soo wajahan dusha u ridan doonto maamulka Galmudug oo hoy u noqotay argagixisada Al-Shabaab.

Dagaalkii saakay oo Jimce ah ka dhacay magaalada Gaalkacyo gaar ahaan duleedka koonfureed ee magaalada ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan toban qof, sida ay warsidaha Puntland Mirror u sheegeen dadka deegaanka iyo laamaha caafimaadka ee gobolka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*