Dablay looga shaki qabo burcadbadeed Soomaali ah oo markab ganacsi afduubtay markii kowaad muddo shan sanno ah

Dablay looga shaki qabo burcadbadeed Soomaali ah oo markab ganacsi afduubtay markii kowaad muddo shan sanno ah. [Xigashada Sawirka: AFP]
Dablay looga shaki qabo burcadbadeed Soomaali ah oo markab ganacsi afduubtay markii kowaad muddo shan sanno ah. [Xigashada Sawirka: AFP]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dablay looga shaki qabo burcadbadeed Soomaali ah ayaa qabsaday markab ganacsi oo siday saliid, sida uu warsidaha Puntland Mirror u xaqiijiyay sarkaal dhanka ammaanka ah.

Sarkaal dhanka ammaanka ah oo katirsan Puntland, oo codsaday in aan magaciisa la qorin, ayaa Puntland Mirror u sheegay in markabka oo loo maleynayo in uu ahaa mid ganacsi oo siday saliid kana yimid wadanka Isutaga Imaaraatka Carabta laga afduubtay shalay biyaha Badweynta Hindiya ee gobolka Bari, Puntland.

Burcadbadeeda ayaa markabka u kaxaystay dhanka xeebta bari ee degmada Caluula ee gobolka Bari, Puntland, Soomaaliya, sida uu sarkaalku sheegay.

Sarkaalka ayaan xusin tirada burcadbadeeda ku lug lahayd weerarka lagu qaaday markabka ganacsi.

Tirada weeraradii burcadbadeeda Soomaaliya ayaa si weyn hoos ugu dhacday intii lagu guda jiray shanti sanno ee lasoo dhaafay.

Kani waa weerarkii kowaad oo ay burcadbadeedu ku qaado markab ganacsi oo gooshayay xeebaha Soomaaliya in ka badan muddo shan sanno ah.

Dhawaan, iyaga oo la hadlayay warbaahinta maxaliga ah, qayb kamid ah kalluumaysatada ayaa ku goodiyay in ay hubka qaadan doonaan mar labaad ayna ku noqon doonaan burcadbadeednimada si ay u la dagaalamaan waxa ay ugu yeereen “jariifayaasha ajaaniibta ah.”

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*