Maamul goboleedyada Soomaaliya oo hakiyay xiriirka wadashaqeyneed ee Dowlada Federaalka

Maamul Goboleedyada Soomaaliya. [Sawir Hore]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa hakiyay xiriirka wadashaqeyneed ee Dowlada Federaalka.

Madaxda sare ee maamul goboleedyada Soomaaliya oo kala ah Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed oo dhowrkii beri ee u dambeeyay shir uga socday magaalada Kismaayo ayaa bayaan ay maanta oo Sabti ah soo saareen ku hakiyeen wadashaqeynta Dowladda Dhexe.

Maamul goboleedyada ayaa bayaanka ku sheegay in Dowladda Federaalka in ay meelmarin weyday heshiisyadii iyo balamihii horey loo galay, waxayna ku eedeeyeen in Dowladda Federaalku ay farogelin ku heyso maamul goboleedyada.

Ma jirto waxa jawaab ah oo kasoo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*