Ciidamada gadoodsan ee Puntland oo ka hadlay sababta ay gadoodka u sameeyeen

Ciidamada gadoodsan ee Puntland oo ka hadlay sababta ay gadoodka u sameeyeen. [Sawirka: Archive]
Ciidamada gadoodsan ee Puntland oo ka hadlay sababta ay gadoodka u sameeyeen. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada gadoodsan ee Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababta ay u la wareegeen kantaroolka magaaada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland.

Wareysi uu siiyay laanta Af-Soomaaliga ee VOA mid kamid ah saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ayaa sheegay in ay u qabsadeen kantaroolka sababtoo ah muddo badan oo aysan helin wax mushahaar ah.

“Waxaan u qabsanay mushahaar la’aan xuquuq la’aan , ciidamadii dalka u soo halgamay baanu nahay difaac baanu ka nimi todobo bilood oo mushahaar ah baa naga maqan.” Ayuu yiri sargaalku.

Mar la weydiiyay in inta aysan gadood samayn oo aysan khalkhal gelin ammaanka magaalada ay la hadli lahaayeen saraakiisha.

“Walaale waan la hadalnay, danbaa nagu kaliftay, markii kowaadna maahan waa markii labaad iyo markii saddexaad weeye.” Ayuu ku daray.

Ugu dambayna, sargaalka ayaa la weydiiyay waxa ay tahay talaabada xigta, waxaana uu sheegay in si walba oo ay ku heli karaan xaqa ka maqan ay ku dhaqaaqi doonaan.

“Sidii aan waxayaga u doonan karno baanu u doonanaynaa, anagu waanu xishoonaynay hub nagu filan waanu haysanaa rag nagu filana waa haysanaa mushahaarkayagii meeshuu  jiro waanu naqaanaa sidii aan u doonan karno,” ayuu yiri.

“Ilaa iyo xad waanu saburaynaa.” Ayuu ku daray.

Xalay oo Arbaco ahayd fiidkii ayaa ciidamada oo aad u hubaysan la wareegeen kantaroolka koonfureed ee magaalada Garoowe, halkaas oo uu kuyaalo xafiiska canshuur uruurinta ee wasaaradda maaliyada.

Dhanka kale, masuuliyiinta dowladda Puntland ayaan wali ka hadlin gadoodka ciidamada ay sameeyeen.

Tan iyo sanadkii 2014-kii magaalooyinka Puntland oo ay ku jirto caasimadu ayaa goobjoog u ahaa mowjado gadood ah oo ka dhashay mushahaar la’aanta iyo duruufo kale oo haysta ciidamada.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*