Siyaasiyiinta xalka u raadinaya khilaafka siyaasadeed ee Puntland oo la kulmay Boqor Burhaan

Cumar iyo Cabdiweli oo kulan la yeeshay Boqor Burhaan Boqor Muuse. [Isha Sawirka: Facebook]

Garoowe-(Puntland Mirror) Raysulwasaairihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo wada dedaalo lagu xalinayo khilaafka siyaasadeed ee ka jira Puntland ee ku saabsan doorashooyinka soo socda ee baarlamaanka iyo madaxweynaha, ayaa maanta gaaray magaalada Qardho.

Waxay kulan la yeesheen Boqor Burhaan Boqor Muuse oo fadhigiisu yahay Qardho, gobolka Karkaar, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka ag dhow kulanka, kaasoo looga wadahadlay khilaafka jira iyo sidii xal deg-deg ah loo gaari lahaa.

Masuuliyiinta hore oo asbuucii la soo dhaafay yimid Garoowe, ayaa wadahadalo la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ku jiraan siyaasiyiinta, madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni, iyo odayaasha dhaqanka.

Siyaasiyiintan ayaa hadda u muuqda kuwo xal u raadinaya khilaaf ka taagan shirguddoonka isimada oo u dhaxeeya Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Boqor Burhaan Boqor Muuse. Isimada oo ah marjaca ugu sareeya ee Puntland, ayaa la filayay in ay shir isuhu yimaadaan si ay uga arrinsadaan khilaafka siyaasadeed ee ka jira Puntland iyo hanaanka doorashooyinka 2024.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*