Jubaland

At least 10 wounded in car bomb explosion in Kismayo town. [Photo: Archive]

Ugu yaraan 10 qof oo ku dhaawacantay qarax gaari oo ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo

Kismaayo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhaawacantay qarax gaari oo ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo fiidkii xalay oo Talaado ahayd, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan ammaanka iyo caafimaadka. Qaraxa aayaa dhacay markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay uu ku qarxay waddo mashquul badan oo kutaala Kismaayo, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen. Inta badan dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa[Read More…]

by August 2, 2017 0 comments Jubaland, Somali News
Calanka Puntland. [Xigashada Sawirka: Getty Images]

Puntland oo u dabaaldegaysa maalinta sanadguuradeeda 19-aad

Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa maanta oo Talaado ah u dabaaldegaysa maalinta sanadguuradeeda 19-aad. Gobolka oo dhan, xafiisyada dowladda iyo meelaha wax lagu barto ayaa xiran munaasabada sanadguurada darteed. Ma jirto dhoolatus milatari oo dhacaya, balse munaasabad balaaran ayaa ka dhici doonta xarunta madaxtooyada caawa oo Talaado ah fiidkii, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen. Puntland waxaa la asaasay 1-dii Agoosto 1998, 19-kii[Read More…]

by August 1, 2017 0 comments Jubaland, Somali News
Maamulka Jubbaland oo sheegay in ciidamadoodu ay dagaal ku dileen 13 dagaalyahan oo Al-Shabaab katirsan

Maamulka Jubbaland oo sheegay in ciidamadoodu ay dagaal ku dileen 13 dagaalyahan oo Al-Shabaab katirsan

Kismaayo-(Puntland Mirror) Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamadoodu ay dagaal ku dileen 13 dagaalyahan oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha Jubbaland. Dagaalka ayaa dhacay kadib markii dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo la dhaho Lugloow oo kuyaala duleedka magaalo xeebeedka Kismaayo habeenimadii xalay. Khaalid Shiikh Cabdulaahi, oo katirsan saraakiisha amniga Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay[Read More…]

Masuuliyiin katirsan dowladda Puntland oo soo gabagabeeyay socdaal qiimayn ah oo ay ku joogeen deegaanka Af urur. [Xigashada Sawirka: Garoowe Online]

Masuuliyiin katirsan dowladda Puntland oo soo gabagabeeyay socdaal qiimayn ah oo ay ku joogeen deegaanka Af urur

Garoowe-(Puntland Mirror) Kadib muddo todobaad ah oo ay joogeen deegaanka Af urur masuuliyiin katirsan dowladda Puntland ayaa soo gabagabeeyay socdaalkoodii, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan dowladda. Masuuliyiinta ayaa horaantii asbuucii lasoo dhaafay deegaanka Af urur gaaray si ay u soo qiimeeyaan khasaaraha weerarkii ay dhawaan maleeshiyada Al-Shabaab la beegsadeen saldhig ay ciidamada Puntland ku lahaayeen halkaas. Masuuliyiinta ayaa waxaa kamid[Read More…]

Ciidamada Soomaaliya oo taageero ka helaya ciidamo ajnabi ah oo burburiyay saldhig tababar oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada Dhexe. [Sawirka: Archive]

Ciidamada Soomaaliya oo taageero ka helaya ciidamo ajnabi ah oo burburiyay saldhig tababar oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada Dhexe

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay taageerayaan ciidamo ajnabi ah ayaa maanta oo Axad ah burburiyay saldhig tababar oo ay maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, sida uu bayaan ku sheegay madaxweynaha Soomaaliya. “Gelinkii hore ee maanta, waxaan u ogolaaday ciidamadayada oo taageero ka helaya saaxiibo caalami ah in ay qaadaan weerar ka dhan ah saldhig[Read More…]

Maamulka Jubbaland oo roog guduudan u dhigay Madaxweynaha. [Sawirka: Twitter]

Madaxweynaha Soomaaliya oo tagay magaalo xeebeedka Kismaayo

Kismaayo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta oo Talaado ah tagay magaalo xeebeedka Kismaayo. Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa si diiran garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid iyo wasiiro kale ayaa ku weheliya safarka Madaxweynaha. Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in uu kulan la qaato masuuliyiinta[Read More…]

Hal askari oo ku dhintay weerar lagu qaaday saldhig booliis oo kuyaala gudaha Kismaayo. [Xigashada Sawirka: Kismaayo 24]

Hal askari oo ku dhintay weerar lagu qaaday saldhig booliis oo kuyaala gudaha Kismaayo

Kismaayo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan hal askari oo katirsan ciidamada booliiska maamulka Jubbaland ayaa ku dhintay kadib markii bumbo gacmeed lagu weeraray saldhiga ciidanka booliiska ee magaalada Kismaayo, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhan ammaanka ah. Masuuliyiin dhanka ammaanka ah oo katirsan Jubbaland ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in toboneeyo kale oo ciidamada booliiska ah ay ku dhaawacmeen weerarka. Saldhiga ayaa[Read More…]

Bisha barakaysan ee Ramadaan  oo laga arkay gudaha Soomaaliya. [Sawirka: Archive]

Bisha barakaysan ee Ramadaan oo laga arkay gudaha Soomaaliya

Garoowe-(Puntland Mirror) Bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa laga arkay gudaha Soomaaliya gaar ahaan gobolada Puntland, gobolada dhexe, gobolada Koonfur-galbeed iyo Somaliland, dadka deegaanka ayaa u sheegay warsidaha Puntland Mirror. Masuuliyiinta Soomaalida ayaa iclaamiyay in maalinta kowaad ee Ramadaan ay kowtahay beri oo Sabti ah. Gudaha dalka, masaajidyada ayaa bilaabay salaada Taraawiixda, taasoo la tukado inta lagu guda jiro bisha barakaysan.[Read More…]

Ugu yaraan hal askari oo katirsan ciidamada maamulka Jubbaland oo ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay deegaan u dhow Kismaayo

Ugu yaraan hal askari oo katirsan ciidamada maamulka Jubbaland oo ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay deegaan u dhow Kismaayo

Kismaayo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan hal askari oo katirsan ciidamada maamul gooboleedka Jubbaland ayaa geeriyooday kadib markii ay la qaraxday miinada dhulka lagu aaso maanta oo Isniin ah, sida ay ilo-wareeyadu xaqiijiyeen. Ciidamada ayaa marayay deegaanka la dhaho Yaaq-raar oo qiyaastii 30km dhanka galbeed ka xiga magaalada Kismaayo markii ay miinadu la qaraxday, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka. Ilaa[Read More…]

by February 20, 2017 0 comments Jubaland, Somali News
Ciidamada Jubbaland oo dib uga qabsaday degmada Badhaadhe maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawirka: Archive]

Ciidamada Jubbaland oo dib uga qabsaday degmada Badhaadhe maleeshiyada Al-Shabaab

Kismaayo-(Puntland Mirror) Ciidamada maamul goboleedka Jubbaland oo ay taageerayaan ciidamada Kenya oo hoos taga howlgalka AMISOM ayaa maanta oo Talaado ah dib uga qabsaday degmada Badhaadhe maleeshiyada Al-Shabaab, sida uu sheegay wasiir. Cabdirashiid Xasan Nuur, oo ah wasiirka amniga Jubbaland ayaa laanta Af-Soomaaliga BBC u sheegay in ciidamada huwanta ah ay gacan buuxda ku dhigeen degmada ayna dileen dhowr maleeshiyo[Read More…]

by January 24, 2017 0 comments Jubaland, Somali News
Scroll Up