Baarlamaanka Turkiga oo meel mariyay in ciidamo la geeyo gudaha Qatar

Baarlamaanka Turkiga oo meel mariyay in ciidamo la geeyo gudaha Qatar. [Sawirka: Archive]
Ankara-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Turkiga ayaa meel mariyay sharci u ogolaanaya in ciidamadooda la geeyo saldhiga milatari ee uu Turkigu ku leeyahay gudaha Qatar.

Sharciga, ayaa ahaa mid qabyo ah tan iyo bishii May, balse maanta ayaa baarlmaanka ku meelmariyeen 240 cod, oo ay si weyn u taageereen xisbiga talada haya ee AK iyo xisbiga kale ee mucaaradka ah ee MHP.

Go’aanka maanta oo Arbaco ah ayaa u muuqda taageero Qatar iyada oo wajahaysa go’doon diblomaasi iyo mid ganacsi oo uga yimid dowladdaha ugu xooga badan Bariga Dhexe.

Horaantii todobaadkan, Sucuudi Caraabiya, Masar, Baxrayn, Isutaga Imaaraatka Carabta iyo Yemen ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jaray Qatar, iyaga oo ku eedeeyay in ay taageerto ururo argagixiso oo ka jira gobolka, balse Qatar waa ay diiday eedaymahaas.

Turkiga ayaa ah saaxiib muhiim ah oo ay leedahay Qatar waxaana uu ka sameystay saldhig milatari gudaha Qatar sanadkii 2014-kii, Qatar ayaa sidoo kale waxaa kuyaala saldhiga ugu weyn ee ciidamada cirka Mareykanku ay ku leeyihiin Bariga Dhexe.

Madaxweynaha Turkiga ReccepTayyip Erdogan ayaa ku dhaleeceeyay Dowladdaha Carabta tilaabada ay qaadeen isaga oo sheegay in go’doominta Qatar iyo ku soo rogida cunaqabataynta aysan xal u keeni doonin wax walba oo dhibaato ah isaga oo intaas ku daray in Turkiga uu sameyn doono wax walba oo awoodiisa ah oo gacan ka geysanaya in khilaafka la dhammeeyo.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*