Ciidamada Suuriya oo ISIS kala wareegay magaalada taariikhiga ah ee Palmyra

Ciidamada Suuriya oo ISIS kala wareegay magaalada taariikhiga ah ee Palmyra. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Ciidamada Suuriya oo ISIS kala wareegay magaalada taariikhiga ah ee Palmyra. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Dimishiq-(Puntland Mirror) Ciidamada Suuriya ayaa sheegay in ay ISIS kala wareegeen magaalada taariikhiga ah ee Palmyra markii labaad intii lagu guda jiray muddo sanad ah, iyaga oo taageero ka helaya diyaaradaha dagaalka ee Ruushka.

ISIS ayaa Palmyra si lama filaan ah u qabsatay bartamihii bishii lasoo dhaafay ee December kadib markii ay ka baxeen sideed bilood kahor.

“Iyagoo taageero ka helaya diyaaradaha dagaalka Ruushka cutubyo katirsan ciidamadeena ayaa dib u qabsaday magaalada Palmyra,” sidaa ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ciidamada Suuriya.

ISIS oo bisii Maarso ee sanadkii lasoo dhaafay 2016-ka qabsatay magaalada ayaa burburisay qaybo kamid ah waxyaabihii qadiimiga ahaa ee qiimaha badnaa ee ay lahayd Palmyra.

Magaalada taariikhiga ah ee Palmyra ayaa dhanka waqooyiga kaga beegan caasimada dalka Suuriya ee Dimishiq, waxaana lagu tixgeliyaa magaalooyinka ugu qadiimsan caalamka.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*