Baarlamaanka Soomaaliya oo mar labaad guddoomiye u doortay Jawaari

Baarlamaanka Soomaaliya oo mar labaad guddoomiye u doortay Jawaari. [Sawirka: Archive]
Baarlamaanka Soomaaliya oo mar labaad guddoomiye u doortay Jawaari. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah dib ugu doortay guddoomiyaha  baarlamaanka Maxamed Shiikh Cumaan sidoo kale looyaqaan (Jawaari).

Jawaari ayaa helay 141 cod, halka ninkii la loolamayay Cabdirashiid Maxamed Xidig uu helay 97 cod, sida ay sheegeen guddiga doorashada.

Kadib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada, Jawaari ayaa u mahadceshay kuwii doortay iyo kuwa aan dooranba.

Jawaari ayaa soo noqday guddoomiyaha baarlamaanka afartii sanno ee lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha cusub ayaa xafiiska joogi doona afarta sanno ee soo socda, sida uu qorayo dastuurka Soomaaliya.

Dhanka kale, doorashada guddoomiye ku-xigeenada ayaa la qaban doona 12-ka Janaayo oo ku beegan beri oo Khamiis ah, sida qorshuhu yahay, in ka badan 12 musharax ayaa u tartamaya guddoomiye ku xigeenada.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*