Cutubyo katirsan ciidamada madaxtooyada Puntland oo tababar milatari ugu soo gabogabowday xerada 54-aad Garoowe

Madaxweyne Deni iyo taliyeyaasha ciidanka oo salaan qaadanaya. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Cutubyo katirsan ciidamada madaxtooyada Puntland ayaa ku dhawaad lix bilood oo tababar milatari ah ugu soo gabogabowday xerada 54-aad ee kutaala Garoowe Arbacadii.

Munaasibada xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kaasoo sheegay in mudadii sanadka ahaa oo uu xafiiska joogay ay dowladiisu ku guuleystay bixinta mushahaarka ciidamada.

Ciidamada tababarka dhammaystay oo dhoolatus sameynaya. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Waa qeybtii saddexaad ee ciidamada madaxtooyada oo tababar loo xiro tan iyo bilwogii sanadkii tagay ee 2019, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanku.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*