Xasan Shiikh oo gaaray magaalada Jowhar si uu u furo shirka maamul u samaynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

hassan-in-jowhar
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo gaaray magaalada Jowhar. Sawirka: Twitter.

Jowhar-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiisha maamulka Shabeelaha Dhexe ayaa madaxweynaha ku qaabilay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar.

Xasan Shiikh ayaa si rasmiya u furay shirka maamul u samaynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo lagu hayo magaalada Jowhar.

Amaanka guud ee magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*